WararkaWaxbarashada

Dilaaga Farshaxamiistihii Caanka ahaa ee “Michelangelo” oo La Gartay 4 Qarni Kadib!

4 Qarni kadib dhalashadiisa farshaxamiista caanka ahaa Michelangelo Buonarroti oo duruuf aan la garaneyn ku geeriyooday isagoo 38 jir, ayaa saynisyahanno baaritaan ku sameeyay ay sheeganayaan iney heleen sababibihii dhabta ahayd ee uu u geeriyooda.

Koox Saynisyahanno Faransiis ah oo ka tirsan mac’hadka isbitaalka Jaamacadda Marseille (IHU), ayaa sheegay iney garteen “dilaaga”, waxey ku sheegeen inuu yahay cudur la yiraahdo “Golden Staph“.

Saynisyahannadan ayaa waxey  kaashadeen caalimka anthropogist iyo culuumta noolaha ilmaqabatida ee microbiologist, Giuseppe Cornaglia, kaas oo ilkaha ka soo saaray qolfoofka farshaxamiistaha, kadibna waxey baareen DNA-diisa.

Mac’hadkan ayaa baaritaankii uu sameeyay ku xaqiijiyay: “Waxaan ogaannay dilaaga oo ah cudurka Golden Staph.

Michelangelo Buonarroti, ayaa geeriyooday sanadkii 1610, 4 sano kadib dilkiisa, xilligaas oo qof ay wada murmeen, iyadoo la aaminsanaa in dhagar badan ay ku hareeraysneyd dhimashadiisa.

Isku day hore oo la sameeyay sanadkii 2010 oo lagu ogaanayay sababta dhimashadiisa ayaa lagu sheegay iney ahayd sun la siiyay.

Saynisyahannada ayaa sanad walba isku daya iney heleen sababtii ay u geeriyoodeen dadkii caanka ahaa ee dunidan soo maray ee la hayo qolfooftooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close