WararkaWaxbarashada

Dunida oo Markii Ugu Horreysay Looga Dabbaaldagayo Maalinta Caalamiga Ah ee Luqadda Dhagoolayaasha

Maanta dunida waxaa markii ugu horreysay laga dabbaaldagayaa maalinta caalamiga ah ee Luqadda dhagoolayaasha 2018, halkudhaggu waa “Waxaan la wadajirnaa luqadda tilmaanta, dadka oo dhan ayaa daneynaya.”, iyadoo la tilmaamayo in da’yaraan laga faa’iidaysto luqadda dhagoolayaasha, si xiriirkooda loo fahmo.

Sida laga ogaanayo tirakoobyada uu sameeyay Ururka Caalamiga ah ee Midowga Dhagoolayaasha Adduunka, waxaa jira 72 milyan oo dhagoole oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida, 80% waxey ku noolyihiin wadamada soo koraya, waxayna isticmaalaan 300 oo luqadood oo kala duwan oo luqadaha tilmaanta ka mid ah.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday 23, September iney noqoto maalinta caalamiga ah ee luqadda dhagoolayaasha, si dadka loogu bararujiyay muhiimadda ay luqadani leedahay, Ururka caalamiga ah ee Midowga Dhagoolayaasha Adduunka oo ah urur ka kooban 135 urur wadani ah oo dadka dhagoolayaasha ah ay leeyihiin, kana wakiil ah in ka badan 70 milayan oo dhagooleyaal ah oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida, ayaa soo hindisay in maalinta caalamiga ah la asteeyo.

Taariikhada September 23, waxaa loogu xushay iney tahay maalintii la aasaasay Ururka Caalamiga ah ee Midowga Dhagoolayaasha sanadkii 1951.

Isbuuca Caalamiga ah ee dadka dhagoolayaasha ah waxaa markii ugu horreysay loo dabbaaldagay sanadkii 1951, laakiin sanadkan waxaa bilow ah in la soo kordhiyay maalinta caalamiga ah ee dadka dhagoolayaasha ah oo markii ugu horreysay loo dabbaaldagayo sanadkan September 23, 2018.

Luqadda tilmaanta (Sign language), waa hab xiriir ah oo aan cod ahayn oo ay adeegsadaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maqalka la’ iyo kuwa uu codku ka xiran yahay, waxaa kale oo soo hoosgalaya luqadda badmaaxyada iyo tilmaanta ay adeegsadaan boolis, milatariga iyo burcadka qaarkood oo iyagoon afka ka hadlin sameysta luqad tilmaan ah oo ay isku fahmaan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close