arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Ninkeeda Ku Soo Oogtay Dacwad Furriin Kadib Markii uu Diiday Inuu Guriga Ka Saaro 27 Mas!

Sucaad iyo Xasan waa lamaane jacayl isku guursaday, laakiin marqura ayey noloshoodu isbedeshay kadib markii uu guriga keenay 27 mas oo uu doonayo inuu ku xanaaneeyo, arrintaas oo keentay iney xaaskiisu ka cararto kana dalbato inuu furo.

Sida uu qoray website-ka “Masrawy“, xiriir Sucaad iyo Xasan ayaa 2 sano ka hore soo bilowday, xilligaas oo sucaad ay daganeyd goob u dhow suuqa Xasan uu ka gacansado, waxey isku guursadeen jacayl, nolol caadi ah ayey ku noolaayeen, illaa uu Xasan ka ogaado inaanuu caruur dhali karin oo dhakhaatiirtu ay u sheegeen, halkaas ayey ka bilaabatay isbedel ku dhaca noloshiisa.

Sucaad waxey goosatay iney maxkamadda ka dacweyso si looga furo, dacwaddeeda oo tirsigeedu yahay 3212 ee sanadka 2018: ayaa waxey ku tiri, nolosha odaygayga waxey isbedeshay markii uu ogaaday inaanuu caruur dhaleyn, noloshoosii oo dhan ayaa dhanka kale u rogtay, waxa uu goostay inuu ka tanaasulo waxwalba oo nolosha qiimaheeda ah, bilo ayuu guriga ka bixi waayay, maalin ayuu suuqa aadday waxa uu soo iibsaday mas si uu guriga ugu dhaqdo, intaa kaliya kuma aanuu ekaan ee waxa uu soo iibsaday masas kale illaa ay ka gaaraan 27 mas.

Waxey tilmaantay iney markii hore ugu samreysay iney masasku qolkiisa gaarka ah ay ku koobnaayeen, laakiin markii dambey ay gurigii oo dhan ku faafeen, waxey sheegtay markii ay isku dayday iney arrintaa ku canaanto uu dilay kadibna ay nafteeda la baxsaday.

Si kastaba, Sucaad waxey ku khasbanaatay iney dacwad ka gudbiso, kadib markii ay ka caalo weyday in ninkeedu uu sidii hore ku soo noqdo, iyadoo dacwadeeda ay hortaallo maxkamadda oo dhawaan go’aan laga gaarayay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close