WararkaWaxbarashada

Kulan Looga Hadlayay Kobcinta Aqoonta Ardayda Dhigata Iskuullaadka Dowladda Ee Gobolka Benaadir oo Muqidsho Ka Qabsoomay

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay maamulayaasha iyo kormeerayaasha 24  iskuul ee ay gacanta ku heyso Wasaaradda Waxbarashada ee ku yaalla gobolka Benaadir.

Sida ay Sheegtay wakaaladda Wararka SONNA, arrimaha kulanka lagu lafaguray ayaa waxaa ka mid ahaa sidii wadajir looga qeybqaadan lahaa horumarinta waxbarashada ardeyda dhigata iskuullada ay maamusho dowladda iyo  kobcinta aqoonta caruurta Soomaaliyeed si loo hagaajiyo mustaqbalkooda.

Maamulayaasha iyo kormeerayaasha ka socday 24-ka iskuul ee ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in xilligan loo baahan yahay in wasaaradda ay dadaal ku bixiso sidii loo dhameystiri lahaa wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda ay diyaarisay wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada, islamarkana hadda dib u dayactir lagu sameyn doono iskuullo hor leh oo ay leedahay dowladda.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa kula dardaarmay maamulayaasha iyo kormeerayaasha iskuullada dowladda iney dadaal ku bixiyaan sidii aqoonta caruurta kor loogu qaadi lahaa.

Kulankana ayaa ku soo beegmaya xilli uu Wasiirka Waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Barre uu ballanqaaday inuu bishan gudaheed ay la wareegi doonaan iskuullaadka dhowr iyo Labaatan ah oo gudaha Muqdisho ku yaalla.

Maandeeq FM

Related Articles

Close