WararkaWaxbarashada

Wax Ka Ogow.. Talada Daraasad Cilmiyeed Cusubi Ay Usoo Jeedisay Dadka Doonaya Iney Caruur Dhalaan

Natiijo cusub oo wanaagsan ayaa laga gaaray daraasad cilmiyeed dhawaan la sameeyay, daraasaddan ayaa sheegay in lamaanayaasha is-qaba ee doonaya iney caruur dhalaan ay waajib ku tahay iney galmo sameeyeen habeenkii labo jeer.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, saynisyahanno Shiineys ah ayaa daahrogay in manida raggu ee muddo saddex saacadood gudahood lagu uruuriyo(galmo labaad lagu sameeyo), ay tahay mid ay u badan tahay iney ugxanta bacramiso  oo ay hooyadu uur ku qaadi karto.

Natiijada daraasaddan ayaa lagu faafiyay joornaalka journal Molecular and Cellular.

Saynisyahannadan ayaa helay in minada(Sperm) uu qofku ku uruuriyo muddo aan ka badneyn 180 daqiiqo marka loo eego markii hore ee uu galmada sameeyay ay xoojiso guusha howsha bacraminta ah saami gaarsiisan saddex meelood oo meel.

Natiijada daraasaddan Shiineyska ah ayaa ka soo horjeedda, qodob horey loo aaminsanaa oo ah, manida muddo 24 saac ilaa 36 saacadood in la uruuriyo -oo mudadaa gudaheed aan wax galmo ah la sameyn- si loo hubiyo tirada iyo tayada manida.

Waxaa madhaleys noqda 11% dumarka iyo 9% ragga gaaray da’da dhalmada gudah dalka Mareykanka, halka tiro koobyadu ay sheegayaan in 7 dii qof mid ka midkood ay ku adag tahay inuu caruur dhalo UK.

Sidoo kale, daraasad bishii hore la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in ragga aan cunin barootiin ku filan ay manidoodu tahay daciif, sida ay u badan tahay waxey dhalaan caruur buurnidu ku badan tahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close