WararkaWaxbarashada

22 Sababood oo Aan Loogu Kalsoonaan Karin “Wikipedia”

Wikipedia.org waa websiteka 5-naad ee adduunka loogu booqasho badanyahay marka loo eego warbixinta aan hadda heynno sanadka 2018.

website-kaas, gaar ahaan qeybtiisa Afrika Ingiriisiga ku qoran waxaa lagu dhaliilaa arrimo badan oo sax iyo qalad isugu jira arimahaas oo qaarkood ay qirteen dadkii allifey website-kaas halka ay qeyba kalena ay beeniyeen.

Qaladka ugu weyn ayaa ah in dadka intooda badan ay u heystaan in wax kasta oo ku qoran wikipedia.org ay yihiin biyo kama dhibcaan sax ah laakiin arintu sidaas wey ka bedelan tahay.

Hadaba, halkaan waxaan kusoo diyaarinay 22 sababood oo aan wikipedia.org loogu kalsoonaan karin.

  1. Ninkii sameeyey oo ka digey

wikipedia.org waxaa aasaasay ragga eey ka mid yihiin larry sanger iyo jimmy wales. Laakin markii dambe larry sanger wuu isaga tegey asaga oo marwalba ku celceliya in eey halis ku tahay cilmiga iyo wax barashada.

  1. Maqaalada oo aan wax qoray la aqoon

maqaal kasta oo ku qoran wikipedia waxaa qoray kumanaan qof oo midba wax ku daro. sidaas darteed lama ogaan karo qofka qoray qofka uu yahay

  1. Iyada oo dacaayad loo isticmaalo

shirkad kasta shirkadaha tartanka kula jira ayey dacaayad ka qortaa si eey u bahdisho ama eey dadka uga didiso.

  1. Dowlado iyo shirkado ayaa faraha kula jira

waxaa jira dowlado iyo shirkado si joogto ah wax ugu qora ama wax uga bedela wikipedia ayada oo la sheegay in BBC-da oo kali ah eey wax ka bedeshey 7000 oo jeer muddo hal bil ah.

  1. Magac qarsan

dad waxaa jira kumanaan maqaal ku qora wikipedia ayaga oo magaca qarsaday uuna raali uga yahay maamulka wikipedia taas oo keeneysa in qofku wax kasta iska qoro maadaama eey adagtahay in lasoo raadraaco maadaama aan magaciisa la aqoon karin.

  1. Been ka sheegid dad nool

waxaa jira dad badan oo shaqsiyaadka eey wax isku qilaafsanyihiin dacaayado ka qora kana been abuurta taas oo xataa keentay in dad loo xirey maqaalo been ah oo ku qoran wikipedia awgood.

  1. Iyada oo lacag lagu bixiyo

waxaa jira shirkado ama shaqsiyaad ama hey’ado kuwo dowli ah iyo kuwo kaleba kuwaas oo lacag ku bixiya in wax wanaag ah ayaga laga qoro ama qeyrkood  xumaan laga qoro

  1. Iyada oo xayeysiis loo isticmaalo

waxaa jira shirkado badan oo waxa eey soo saaraan ku xayeysiista wikipedia, ayaga oo adeegsanaya qaab aqliyeysan oo aan la dareemi karin

  1. Dadka kusoo biira oo sii yaraanaya

waxaa la sheegay in qoraayaasha cusub ee kusoo biiray wikipedia ay aad u yaryihiin sanadihii la soo dhaafay ayada oo koox gaar ah uu gacanta ugu jiro majaraha webkaas

  1. Dad cilmi la’aan wax ku qora

waxaa dhacda in arday aan weli koleej xataa dhigan eey wax ka qoraan arimo waaweeyn oo taqasus u baahan sida qalliin iyo waxyaalo kasii waaweeyn

  1. Metelaad la’aan

dadka wax ku qora wikipedia badankood waa dad kasoo jeeda yurub iyo mareykan, aad ayeyna ugu yaryihiin dadka kasoo jeeda africa iyo asia taas oo keeneysa in dadkaas wax ku qora eey u qoraan sida eey ayaga la tahay ama dhinacooda ayaga oo ka fiirinaya, ayada oo marar badan xaqiiqdu ka bedelantahay midaa

  1. Anshax xumada

waxaa jira in la soo geliyo wikipedia sawirro anshax xumo ah iyo kuwo aan ku habooneyn in web cilmi ah lasoo geliyo, tussale waxaa kuugu filan in lasoo geliyey wax lagu sheegay in uu yahay sawirka Nabi Muxamad S.C.W

  1. Lama ogaan karo waxa ka runta ah

waxaa la sheegay in maqaal ku saabsan dagaalo been ah oo aan weligood dhicin uu website-kaas ku jirey muddo ka badan shan sano oo aan la helin shantaas sano qof saxa.

  1. Xigasho la’aan

inta badan dadka wax ku qora wikipedia ma sheegaan isha ay warbixintaas ka soo xigteen taas oo keentay in waxyaalaha ku qoran badankood eey yihiin fikrado shaqsi ah

  1. Lama ogola in la saxo

awoodda sixidda waxyaalaha qaldan waxa eey gacanta ugu jirtaa koox yar oo heersare ka gaarey wikipedia loona aqoonsaday in eey noqdaan tifaftireyaal maadaama eey waxbadan kusoo kordhiyeen wikipedia.

raggaas oo wixii eeysan jecleyn ka tira maqaalada sidoo kale aan u ogoleyn in la saxo kuwooda lagana yaabo in eeysan aqoon u leheyn arimo badan oo ka baxsan meesha eey ku noolyihiin

  1. Qofkasta ayaa bilaabi kara maqaal

inkasta oo aan sheegnay in lagu kala awood badanyahay cidda wax qori karta iyo cidda wax sixi karta hadana ma adka in aad bilawdo mowduuc been ah ama dacaayad waxaana dhici karta in aan lagu ogaan muddo dheer.

  1. Aqoonyahannadu wax kuma qoraan

ma jiraan ama wey yaryihiin dad aqoonyahano ah oo wax ku qora, ii sheeg haddii aad adigu taqaanid dad aqoonyahano ah oo wax ku qora halkaas.

  1. Qorraalo duug ah

waa xaqiiq la ogyahay in qoraalada ku jira webkaas qaar ka mid aan muddo la cusbooneysiin sidaa darteedna waxaa ka buuxa qoraalo waqtigoodu dhacay

  1. Ujeeddooyinka shaqsiga ah

dadka inta badan wax ku qora wikipedia ma ahan dad doonaya in  ay adduunka wax baraan laakiin waa dad leh ujeedooyin gaar ah ama dan shaqsi ah

  1. Qoraallo aargudasho ah

qoraalo badan oo ku qoran wikipedia waxaa la ogaadey in eey yihiin qaab aarsi ah ama la xariiraan ciil bax qofka qoray ka ciil baxayo inta badan arinta uu wax ka qorayo

21 .Dhinac u janjeerka

waxaa lagu yaqaanaa dadka wax ku qora wikipedia badankood in ay yihiin dad aan dhexdhexaad eheyn oo ka fiiriya uun arimaha dhinacii eey ayagu la jiraan

  1. Iyaga ayaa ka afeeftay

warku waxa uu ku koobanyahay in website-ka wikipedia naftiisu uu sheego mar kasta in aysan ka filaneyn in dadku aaminaan iyo in eeysan wanaagsaneyn in hal meel oo kaliya aad runta ka raadiso adiga oo aan meelo kale ka hubin.

Gabagabadii arimahaas aan sheegnay kulli wey jiraan laakin wikipedia waxaa ka buuxa cilmi aad u farabadan. sidaas darteed waad isticmaali kartaa wikipedia adiga oo iska hubinaya aana boqolkiiba boqol aaminsaneyn.

Sideedana cilmi kasta hal il oo kali ah lagama xigto ee waa in aad is barbar dhigto dhowr ilood markaasna aad ku qanacdo isku darka natiijada kuu soo baxda.

Waxaa qoray: Cabdulwali Waayeel

Fadlan noosoo qor qoraalladaada faa’iidado leh adigoo kusoo hagaajinayay maandeeqfm888@gmail.com, si aan bulshada ugu gudbinno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close