WararkaWaxbarashada

Golaha Shacabka DFS oo Ka Dooday Dil Qof Muwaadin ah Lagu Gubay oo Ka Dhacay Muqdisho.. Xildhibaan: “Baarlamaanku Waa In Haybsooca Ay Ka Curiyaan Sharci Adag”

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 6aad ee kalfadhiggooda 4aad, ayaa ka dooday xadgudub banii’aadnimada Ka baxsanaa oo faquuq salka ku hayay oo lagu gubay muwaadin Soomaaliyeed.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka oo dilkan ka hadlay ayaa soo jeediyay Lamaanihii kala geyntooda dilka loo geystay, in loo dhigo Aroos Qaran.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa xubnihii dhacdadan ka hadlay ayaa baarlaanka ugu baaqay in sharci adag laga curiyo arrimaha faquuqa, waxaa hadakiisii ka mid ahaa: “Baarlamaanku waa in haybsooca ay ka curiyaan sharci adag, waxaan ka codsanaynaa hay’adaha dambi baatista in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnnay.”

Si kastaba, Golaha Shacabka ayaa dhacdadan u saaray guddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Gudddiga Caddaaladda, garsoorka, arrimaha bulshada iyo amniga si ay uga talo keenaan wixii dhacdadan laga yeeli lahaa iyo habkii loo waajihi lahaa.

Ugu Dabmeyn, September 20, 2018, ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Towfiiq, waxaa ka dhacay dil argagax badnaa oo uu ku nafwaayay marxuum Axmed Mukhtaar Saalax, dilkan waxaa u sabab ahaa, sida la sheegayo, wiil uu marxuumku adeer u ahaa oo uu u doonay garab, ehelkeedii ay si adag uga soo horjeesteen iney gadhoodu jeclaato wiilk ka soo jeeda beel ay u arkaan iney tahay mid ka hoosaysa!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close