CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

India oo Laga Hirgeliyay Mashruucii Ugu Ballaarnaa oo Caymiska Caafimaad Loogu Fidiyo 500 Milayn oo Qof oo Faqiir Ah

India ayaa Axaddii ku dhawaaqday barnaamijkii ugu ballaarnaa ee caymis caafimaad loogu fidinayo dadka faqiir ah oo gaaraya 500-milyan oo la filayo inaaney hal-rupees ku bixin daaweyntooda isbitaallada, waa sida uu sheegay Ra’iisul-wasaaraha India Narendra Modi.

Barnaamijkan ayaa wata magaca «Modicare», waa barnaamij caafimaad oo qoys kasta siinaya adeeg caafimaad oo qiimihiisu yahay 500 kun oo rupees (6,900 oo dolar), waxaa loo fidinayaa qoysaska faqiirka ah oo looga daawanayo cudurrada khatarta ah ee soo waajihi kara mustaqbalka, barnaamijkan ayaa loogu macag daray Ra’iisul-wasaaraha India Narendra Modi.

Mashruucan oo ay fulinayso xukuumadda dhexe iyo 29 maamul-goboleed ayaa qiimaha ku kacayaa uu yahay 1,6-biyan oo dolar sanadkii, mashruucan maalgelintiisu waxey u kordheysaa si tartiib tariib ah kolba sida ay baahidu tahay.

Modi ayaa la siiyay card-kii caymiska isagoo jooga gobolka Ranchi caasimadda maamul-goboleedka Jarkhand, bariga India oo mashruuca uu ka hirgelinayay, waxa uu ku tilmaamay inuu yahay maalin taariikhi ah.

Waxa uu yiri: «Waxaan tallaabo weyn u qaadna inaan caymis caafimaad u fidinno dadka faqiirka ah ee India, waxaa ka faa’iidaysan doona in ka badan 100-milayn oo qoys.»

India ayaa waxaa ku yar isbitaallada iyo dhakhaatiirta, inta badan dadka Hindida ah waxey isticmaalaan isbitaallada gaar ka ah, waa marka ay iska bixin karaan, sida ay sheegay wakaaladda Wararka ee Faransiiska.

Maandeeq FM

Related Articles

Close