arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lamaane Is-jeclaa oo Waayuhu Kala Geeyay.. Muddo 60-sano Ah Kadib Ayuu Facebook Kulmiyay!

Shabakadaha ay bulshadu ku xiriirto oo sabab u noqday iney wada kulmaan Eric iyo Elaine oo muddo 60-sano ah uu waayuhu kala geeyay, waxey kulmisay Qiso Jacayl oo naadir ku ah Adduunka.

BBC, ayaa sheegayta in  Eric uu 7 jir ahaa markii uu Elaine Jeclaaday oo xilligaa ahayd walaashii saaxiibadeed. canugan yar ayaa dareenkiisa qariyay, laakiin hooyadii ayaa ogaatay dareenka uu Elaine u hayo, waxeyna u diidday inuu la kulmo.

Markii ay muddo iskuulka wada dhiganayeen ayaa noloshu kala geysay muddo 60-sano ah. laakiin, markii ay Baraha-bulshada iska heleen, xiriirkoodii dib ayuu u bilowday, Eric waxa uu yiri: “Haddii aaney Baraha-bulshadu jiri lahayn, isma aanan helneen.”

Xiriirkii Eric iyo jacaylkiisii dib ayuu u bilowday, si ay xiriir adag dib ugu yegleelaan, waxey goosteen iney is-guursadaan, goobta ku habboon guurkooda waxey isla garteen iney tahay iskuulkii uu jacaylkooda ka bilowda oo loo bedelay goob munaasabadaha bulsho ee kala duwan lagu qabsado.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close