WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Ka Digaya In Xoonka La Dilo!.. Faa’iidadan Ayuu Aadanaha u Leeyahay

Daraasad cilmiyeed cusub ayaa lagu ogaaday in dilka Xoonka dunida ku sii badanayo, haddii uu dabargo’o oo dunida laga waayana ay ka dhalan karto cawaaqib aan la mahadin.

Cayayaankan ayaa ku caan ah inaan dadku jeclayn, qaniinyo kulul ayuu leeyahay marka aan dooneyno inaan iska fogeynno. laakiin faham la’aanta inaga haysata kaalintiisa ayaa deegaanka iyo dhaqaalaha, ayaa aasaas u ah in aad loo neceb yahay, halka shinnida aad loo jecelyahay inkastoo ay isku qaniinyo yihiin.

Dr. Cyran Sumner oo ah caalim deegaan oo ka tirsan jaamacadda University College London (USL), ayaa sheegay: “Waxaa jirta waxyaabo khaldan oo aan ka aaminsan nahay xoonka marka loo barbardhigo Shinnida. xilli dheer ayaan Shinnida si wanaagsan ula dhaqmeynnay. laakiin dhaqanka xoonka mar kasta waxa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn. iyadoo arrintaasi ay jirto, waxaan u baahannay inaan fikirkeenna khaldan ee aan ka haysanno xoonka bedelnno, si aan u ilaashanno faa’iidooyinka deegaan ee aan ka helaynno.”

Daraasadan oo lagu faafiyay joornaalka cayayaanka deegaanka, ee laga maalgeliyo golaha cilmi-baarista dabiiciga ah iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in Shinnida iyo Xoonka ay ka mid yihiin noolaha ugu mihiimsan, Xoonku waxa uu burburiyaa kumanaan cayayaan oo cudurro u gudbiya aadanaha.

Khubaradani waxey leeyihiin waxaa dadaal yar lagu bixiyay kaalinta wanaagsan ee Xoonku u leeyahay deegaanka, 908 cilmi-baaris oo la sameeyay, 2.4%(22 daraasad) oo kaliya ayaa xoonka ku saabsaneyd, halka 886 daraasadood oo u dhiganta 97.6%, Shinnida laga sameeyay, waa sannadadii ka dambeeyay 1980.

Waxaa xusid mudan iney jiraan 67 nooc oo xoon ah oo dad joog ah, laakiin inta badan, 75 kun oo nooc oo kale si kalinimo ah ayey duurka ugu noolyihiin.

Cayayaanka dunida ku nool ayaa sanad walba sii yaraanaya, sidaa darteed cilmi-baarayaashu waxey leeyihiin waxaa waajib ah in hortabinta koowaad laga dhigto ilaalinta kala duwanaanshiyaha deegaanka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close