CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Ururka Caafimaadka Adduunka oo Shaaciyay Sababta Ugu Badan ee Dadka Dunida U Geeriyoodaan

Khubaro ka tirsan ururka Caafimaadka Adduunka ayaa gaaray natiijo ku aaddan, in alcohol ku yahay sababta ugu badan ee ay dadka Adduunku u dhintaan.

Ururka ayaa tilmaamay in mid ka mid ah 10 xaaladood ee dhimasho ah ay la xiriirto ka-xeynta gaariga xilli uu sarkhaansan(cabsan) yahay  iyo cudurrada ka dhasha Alcohol ka, halka 4 meelood oo saddex meel dhimashada ay ragga ku badan tahay.

Sida ay sheegayaan khubaradani, wadamada ugu badan ee Alcohol-ka laga isticmaalo waa Yurub.

Daraasad uu sameeyay xilli sii horreysay mac’hadka sare ee dhaqaalaha Ruushka iyo wasaaradda Caafimaadka dalkaasi, ayaa lagu ogaaday in Alcohol-ka oo la istcmaalaa uu yahay sababta ugu badan ee ay raggu u dhintaan gudaha Ruushka iyo guud ahaan Yurubta beri.

Sidaas oo kale, daraasad waqti hore la sameeyay ayaa lagu ogaaday in kurayda alcohol-ka cabba ay ku badan tahay khatarta cudurrada dhimirka iyo buurnida.

Maandeeq FM

Related Articles

Close