arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jacaylka Aragtida Koowaad.. Saynisyahanno: In Qofka uu Jacayl Ku Dhaco Ilbiriqsi Waqti Ka Yar Ayey Ku Qaadataa!

Abwaannada heesaha curiyaa waxey sheegaan in jacaylka uu daqiiqad kaliya loo baahan yahay si uu qofka ugu dhaco, laakiin Aqoonyahanno daraasad ka sameeyay ayaa sheegay in arrintu ay intaa si aad ah uga dhakhsiyo badan tahay.

Daraasad cusub oo laga sameeyay soojiidashada lamaanha suuraggal ah, ayaa lagu sheegay in Jacaylku si uu qofka ugu dhaco uu qaadto in ka yar 1/3 ilbiriqsi(ilbiriqsi saddex loo qeybiyay qeyb ka mid ah), waa si ka degdeg badan il isku qabadkeed, Saynisyahannada Neuroscientist ah ayaa waxey leeyihiin, in ragga iyo dumarku ay tilmaansadaan qofka kadib 244 Milliseconds, kadib soo jiidashadiisa waxey go’aan kaga gaaraan 59 Milliseconds oo qura.

Daraasada ayaa waxaa laga dab-qaatay Baraha-bulshada, gaar ahaan app-ka Tinder la yiraahdo ee ballamaha. Aragtiyada qaar waxey leedahay in doorashada lamaanaha nolosha ay ku xiran tahay, Caqliga sare iyo caafimaadka wanaagsan.

Koox ka tirsan Culumada psychologists oo uu hoggaaminayo Professor Claus-Christian Carbon oo ka tirsan jaamacadda Bamberg ee dalka Jarmalka, ayaa waxey si gaar ah u eegeen shaqada maskaxda 25 arday Jaamacadeed oo la soo hordhigay 100 sawir, si ay u kala doortaan.

Professor Carbon, waxa uu sheegay in xawaaraha qiimeynta doorashada qofka ay tilmaamayso in dadka “Ay si xoog ah ugu tiirsan tahay Sexual stereotypes”, dadka ay u arkaan iney soo jiidasho badan yihiin.

Daraasaddan ayaa lagu faafiyay joornaalka Neuroscience Letters.

Maandeeq FM

Related Articles

Close