WararkaWaxbarashada

Tunisia: Arday Kacdoon Ka Sameysay Gobolka Zaghouan

Arday Tunisia u dhashay ayaa gooyay wadada caasimaadda gobolkooda looga aado, isku day ay xukuumadda dalkooda ku xasuusinayaan dhibaato haysata oo ah in 20 Km ay lug ku jaraan maalin kasta marka ay iskuulkooda u socdaan ama ay ka soo laabanayaan, maadaama aanuu jirin gaadiidkiis iskuulka u qaadi lahaa.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya in caruur yayar oo wadadii isku xiraysay gobolka Zaghouan iyo Caasimadda ay jareen, iyagoo doonaya in gaadiid ay iskuulka ku aadaan loo sameeyo, kadib markii gawaadhidii kale ay diidday iney ardayday u qaadaan iskuulka ugu dhow oo ka fog 10 Km deegaankooda.

Mudaharaadkii ardayda ayaa keenay in wadada caasimadda Tunisia aadda ay Labo saacadood xiyiranto, booliskii oo goobta soo gaaray ayaa caruurta kala ka xeeyay kadib markii ay u ballanqaadeen in mushkiladooda xal loo helayo.

Deegaanno badan oo dalka Tunisia ka tirsan ayay ka jirtaa cabasho noocan oo kale ah oo iskuullaadka goobo dhaadheer loo aadayo, halka in badan oo ka mid ah aaney haysan gaadiidkii ay iskuulka ay ku aadi lahaayeen, iyadoo weliba jawigu aanuu wanaagsaneyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close