WararkaWaxbarashada

Mataanaha Gudaha Iskuulka: Ma Waxaa Habboon In La kala Geeyo Ama Ay Isku Fasal Noqdaan?

Duruuftu qoysaska wey kala duwan tahay, waxaa wanaagsan markasta in laga wadahadalo doorashooyinka kala duwan ee mataanuhu ay haystaan gudaha iskuulka inta aan la geeyn ka hor. 80% iskuullaadku dunidu waxey leeyihiin marxalad kasta hal-fasal wax ka badan, labada waalid markaa waxey haystaan doorashooyin kala duwan iney mataanaha labo fasal ku kala daraan ama ay mid qura ku mideeyaan. Laakiin marka uu iskuulka hal-fasal leeyahay waxaan suuraggal ahayn in la kala geeyo, doorashada kaliya ee la haystaa waa iney fasal wada dhigtaan, markaa haddii la doono, firfircoonida kale ee iskuullaadka ka socota ayaaa lagu kala geyn karaa.

Ra’yi uruurin ay sameysay Jaamacadda “Kings College London“, ayaa muujisay in mataanaha bilowga hore la kala geeyo ay waajahaan mushkilado dhanka dareenka ah inta badan kuwa kuwa isku fasalka ah. iyadoo ay arrintaasi jirto ayaan hadana mataanaha oo dhani ayna isku mid ahayn, qaarkood waxay ka faa’iideen kala saarka oo ay waxbarashadoodu ku hagaagtay, sidaa darteed; waxaa muhiim ah in go’aanka laga qeybgaliyo marka la gaarayo, in dareenkooda wax laga weydiiyana tixgelin goonni ah la siiyo xilliga go’aan qaadashada.

Mataanahaagada Doorashada ugu habboon u samee

Go’aankaaga iney fasal kaliya kuu dhigtaan ama aad kala geyso waxa in uu la xiriiro shaqsiyadooda, awoodooda iyo baahiyahooda. go’aan gaarista kala qeybgal, doorashadooda dhageyso, haddii ay jecelyihiin in la kala geeyo ama aaney kala ahaan karin fiiro gaar ah u yeelo.

Haddii labo fasal oo kala duwan aad u heli karto, saddex doorasho ayaa ku horyaalla

-Inaad isku fasal ka dhigto, wadadaana aad ku socoto.

-Inaad bilowgaba kala saarto oo aad sidaa ku waddo.

-In bilowga hore ay isku fasal noqdaan, laakiin marka dambe aad kala reebto.

Faa’iidooyinka ay leedahay marka ay isku fasalka yihiin

-Si dhakhsiyo ah ayay ula qabasanayaan iskuuulka marka ay isku fasalalka yihiin.

-Mataanaha aan jeclayn in la kala saaro, waxaa u wanaagsan iney isku fasal noqdaan, gaar ahaan marka ay murugo dareemayaan xilliga ay kala fogyihiin.

Marka la kala geeyo

Saddex meelood oo meel mataanaha dunida waa la kala geeyaa, mu’asasada Multiple Births Foundation ayaa waxey leedahay kala geyntu faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:

-In la fulinayo doorashadooda marka ay ku taliyaan in kala saaro.

-Haddii midkood uu ka furfuran yahay kan kale, in la kala saaro waxey yaraneysaa isbarbardhiggooda iyo tartanka dhexdooda ah.

-Mataanaha qaar marka ay isku fasal yihiin waxbadan ayay kharribaan.

Ugu dambeyn, marka la go’aansado in muddo kadib la kala geeyo, waxaa waajib ah in la sugo gabagabada sanad dugsiyeedka oo ah xilliga ku habboon ee marxalad cusub ay la qabasan karaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close