arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ra’iisul-wasaaraha New Zealand oo Taariikhda Ku Gashay Ilma yar oo Naas-nuug ah oo Kala Qeybgashay Fadhiyada Golaha Guud ee QM

Ra’iisul-wasaaraha dalka New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa taariikhda gashay, Isniintii September 24, 2018, kadib markii ay gabadheeda yar ee naas-nuugga ah u kaxaysatay Qaramada Midoobay, iyadoo sidaa ku noqotay haweenaydii ugu horreysay ee heer caalami ah ee ilmaheeda yar ee naas-nuugga ah u kaxaysata fadhiyada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Jacinda canugteeda yar ayay la sii ciyaartay ka hor inta aaney khudbad ka jeedin shirka Nelson Mandela ee Nabadda oo ka qeyb ahaa fadhiyada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sida ay qortay jariidada The Guardian, Isbuucii Hore ayaa isbedel lagu sameeyay Qawaaniinta New Zealand, si Ra’iisul-wasaaraha loogu ogaado iney safarradeeda dibadda ah u kaxaysan karto shaqaalaha barbaarinta ubadka.

Ra’iisul-wasaare Jacinda ayaa gadheeda yar dhashay June 21, waxey qaadatay fasax hooyo oo muddo 6 isbuuc ah, kadib waxey shaqada dib ugu soo laabatay bilowgii August.

Clarke Gayford, oo ah aabbaha gabadhan yar dhalay ayaa bartiisa twitterka soo dhigay sawirka cardkii canugtiisa yar loogu ogolaaday iney kaga qeybgasho fadhiyada Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana uu bartiisa kusoo qoray: «Canugtii Koowaad

Maandeeq FM

Related Articles

Close