WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Dalladaha Waxbarashada Kala Hadlay Hirgelinta Manhajka Cusub

Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta dalladaha waxbarasho ee dalka, si la iskula meel dhigo hirgelinta manhajka.

Sida ay qortay wakaaladda Wararka SONNA, kulanka oo qabsoomay Talaadadii, September 25, 2018, ayaa lagaga wada hadlay hirgelinta manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo dalladaha waxbarasho ee dalka.

Wasiir Goodax ayaa ka hadlay u jeedka kulanka uu la qaatay dalladaha iyo wixii ay ka wada hadleen:

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay, hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka , arrimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah hirgelinta manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay”.

Si kastaba, Wasiir Goodax oo Horaantii bishan hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay hoggaanka ururka ay ku midaysan yihiin jamacadaha dalka, ayaa ballanqaaday in bishan gudaheed ay Wasaaradda Waxbarashada la wareegi doonto 26-iskuul oo ku yaalla gudaha gobolka Benaadir.

Maandeeq FM

Related Articles

Close