WararkaWaxbarashada

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya: Waxaan Kordhinnay Minxada “Chevening” ee Soomaaliya Aan Siinno

Mr. David William Concar, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo wareysi Gaar ah siiyay Goobjoog oo ay bahwadaag yihiin Maandeeq FM, ayaa sheegay in ay ballaarinayaan minxada Chevening, qeybta ay Soomaaliya ka siiyaan, si loo helo hoggaamiye-yaal ka qeybqaata horumarka Soomaaliya.

Safiir David oo u warramay wariye Maxamed Bishaan Barre Jaamac, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay u daneynayaan in arday badan oo Soomaaliyeed ay iska diiwaangeliyaan minxadan ay dowladda Ingiriisku bixinayso ee lagu dhiirrigelinayo dhalinyarada hal-abuurka leh, si ay hoggaanka dalka mustaqbalka uga qeybqaataan, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa:

“Waxaan rabnaa inaan ballaarinno minxada Chevening, qeybta Soomaaliya, waxaan dooneynaa inaan aragno gabdho iyo arday badan oo minxada iska diiwaangelinaysa.”, ayuu yiri, Mr. David.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:”Waxaan jaamacadaha gudaha ku dhiirigelinaynaa iney minxadan ardaydooda ku wacyigeliyaan sidii ay uga soo qeybqaadan lahaayeen, annagoo Baraha-bulshada, TV-yada iyo dhammaan warbaahinta kala duwan ka wargelin doonna si ay minxadaa uga qeybqaataan.”

Waxa uu sheegay in Ulajeedadoodu ay tahay soo saarista hoggaamiye-yaashii mustaqbalka Soomaaliya hagi lahaa, maadaama  ay Soomaaliya u baahan tahay hoggaamiye-yaal horumar gaarsiin kara, sida dalalka kale ee dunida.

Hadaba,  haddii aad rabto oo aad leedahay kartidii iyo aqoontii loo baahnaa, waxaad codsan kartaa minxada Chevening inta ka horreysa  November,7,2018.

Wixii faahfaahin ah oo intaa dheer oo ku saabsan minxada kala xiriir website-ka:- www.chevening.org/apply

Maandeeq FM

Related Articles

Close