arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sheeko Murugo Badan.. Wiil Dhalinyaro Ah oo Badda Furan Ku Nolaa Muddo 49 Maalmood Ah Isagoon Wax Xeeb Ah Arkin

Wiil dhalinyaro ah oo Indonesia u dhashay ayaa muddo bil iyo bar ah ku noolaa badda furan, waxaa uu dab ka shidanayay buulkiisa yar ee looxa ka sameysan, biyaha badda ayuu cabbayay isagoo dharkiisa ku filtareysanayay.

Sheekadan la yaabka leh ayaa dhammaad farxad leh ku soo dhammaatay, kadib markii wiilkan dhalinyarada ah ee Indonesian ka ah uu bil iyo bar ku sugnaa badweynta furan isagoo marin habaabsan.

Aabaha dhalay ayaa sheekadiisa ka warramaya, Aldi Novel oo 19 jir ah, ayaa sidii caadada u ahayd waxa uu kalluumaysi aaday bishii June, isagoo jillaabato ahaa illaa 16 jirkiisii.

Buul yar oo jillaabatada loogu talagalay oo ay leedahay shirkadda kalluumeysi ayuu joogay, shaqaalaha shirkadda ayaa halkaa ugu gayn jiray cunnada iyo shidaalka, kalluunkana ka qaadayay kolba inta dabinkiisa soo gasha, shaqada wiilkan waa inuu buul-doomeedka uu iftiin ka shido si xaywaanka badda uu u soo jiito.

Buulkan ayaa ku xirnaa xarig adag oo dhulka hoostiisa lagu aasay, bil iyo bar ka hor ayaa dabeyl xooggan ay badda furan ku tuurtay oo ay xariggii ka jartay.

Aldi, baqdin badan ayuu dareemay, markii uu is-arkay inuu xeebtii aad uga fogaaday, raashiinkii uu haystana ay gabaabsi ka noqdeen. waxa uu ku khasbanaadan in qeyb buulkiisa ka mid ah uu dab ka shito si uu ugu karsado kalluunka. biyaha badda ayuuna cabbayay isagoo dharkiisa ku filtaraysanayay, si cusbadu ay uga harto..

Aldi sidaas ayuu ku noolaa, muddo 49 maalmood ah, waa August 31, wiilka ayaa waxaa soo qadday doon ku socotay dalka Japan.

Dublumaasiyiinta Indonesia ee safaaradda Osaka, ayaa waxey yiraahdeen:  “Ku dhawaad 10 markab ayaa ag martay, laakiin mid u joojiyay ma’aanuu jirin, waxaa dhici kartay inaaney arkin. mar kasta oo wiilkan yar uu markab arko, waxa uu doonayay in la badbaadiyo, inta badanna uu ooyayay. ”

Aldi waxa uu sheegay in mar ku fakaray inuu nafta iska gooyo, laakiin uu soo xasuustay dardaaran waalid oo uu isku sabar-siiyay (Xilliyada ay dhibaatadu jirto ayay ka codsan jireen inuu tukado).

6-September, ayaa Aldi uu gaaray dalka Japan, gaar ahaan Qunsuliyadda Indonesia. Labo maalmood kadib gurigiisa ayuu ku laabtay isagoo caafimaad qaba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close