TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Wax Ka Ogow.. Sababta Aasaasaha WhatsApp uu Uga Tagay Shaqada Facebook

Aasaasayaasha Apps-ka Instagram, Kevin Systrom iyo Mike Krieger ayaa ka dhaqaajiyay jagadii ay ka hayeen Facebook, Isniintii la soo dhaafay, iyadoo ilo wareedyo badani ay tilmaamayaan in khilaaf kala dhaxeeya aasaasaha Mark zuckerberg dartii ay shaqada uga tageen. waxaa ka horreeyay oo shaqada shirkadda iskaga tagay aasaasaha WhatApp.

Warbixin cusub, ayaa sheegaysa in aasaasaha WhatsApp Brian Acton ay isku dhaceen maamulaha fulinta “Mark zuckerberg”, sabababo ku aaddan adeegga farriimaha oo is-faham darro uu ka dhex dhashay.

Wareysi uu “Acton” Arbacadii la yeeshay joornaalka Forbes, ayuu ku sheegay inuu 8-sano ka shaqeynayay WhatsApp inta aanuu ka dhaqaajin Septembertii kal hore.

Acton, waxa uu tilmaamay in Facebook uu doonay inuu sameeyo adeegyo lacago looga qaadayo ganacsatada, laakiin saameyn ku yeelanaya qaab dhismeedka barta WhatsApp, waxa uu isku dayay inuu keeno fikrado kale oo lacago looga dhalin karo Appka, laakiin Zuckerberg uu ka hor yimid.

Maandeeq FM

Related Articles

Close