WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay 24 Iskuul oo Ku Yaalla Gudaha Muqdisho

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay iney la wareegtay 24 Iskuul oo ku yaalla Muqdisho laguna bixinayo waxbarasho lacag la’aan ah.

Iskuullaadkan ayaa la sheegayaa iney dhigtaan 14, 803 arday oo ka faa’iidaysanaya waxbarashadan lacag la’aanta ah. Dawladda ayaa sidoo kale bixinaysa mushaarka iyo gunnooyinka macallimiinta dugsiyadaan oo gaaraya 713 iyo 58 maamule, kuwaas oo ka mid noqonaya shaqaalaha dawladda federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo, hirgelinaysa Afar iskuul oo lagu tababarayo macallimiinta, kuwaas oo laga hirgelinayo xarumaha dawlad gobaleedyada si sare loogu qaado xirfadaha macallimiinta.

Magacyada Iskuullaadka ay dowladdu la wareegtay

Iskuullada maanta wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ay la wareegay, waxay kala yihiin; Kaaraan, Godey, Cabdi-casiis, Gaashaanle, 11 Janaayo, Bartamaha, Wiil-waal, Bartamaha, Yaasiin Cismaan, Agoonta Boondheere, Maxamuud Mire, Hanti Wadaag, Howlwadaag, Xasan Khaaliidi, Cali Xuseen, Jabuuti, Deyniile, Maxamuud Hilowle, Axmed Waayeel, Ex Aqoon Darsed, 21 November, 20 December, Agoonta Wiilasha Kaaran, iyo Macallin Jaamac.

Maandeeq FM

Related Articles

Close