WararkaWaxbarashada

Dhimishiisa Waxaa u Tarmayay 100 Ingineer oo Caan Ah, Waxaana loo Dhisay Hab Casir ah oo Naadir Ku Ah Dunda.. Madaxweynaha Turkiga oo Xarigga Ka Jaraya Masaajidka Weyn oo Ku Yaalla Jarmalka

Magaalada Cologne ee dalka Jarmalka, ayaa maanta September 29, 2018. loo ballansan yahay in laga furo Masaajid inbadan la sugayay in la furo oo farshaxan naadir ah lagu dhisay.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta furaya Masjid Jaamaca «DITIB» oo dhismihiisu uu soo bilowday 2001.

Goobta uu ku yaallo waxaa loogu talagalay in uu Muslimiinta iyo qowmiyada kale, kuwa dowladaha ah, waa Masaajid aad u baaxad weyn, waxaa loo dhisay hab cajiib ah, waxaana uu ku fadhiyaa bad 6-kun oo mitir oo isku weer ah.

Masaajidka waxa uu qaadaa 1250 qof, waxaana ku yaalla xafiiska midowga Ururka Islaamka ee Turkiga, suuq ay dadku ka tukaameystaan, goob xafladaha lagu qabto, iyo mid kale oo shirarka loogu talagalay oo qaadaysa 600 oo qof, waxey leedahay barxad gawaadhisa la dhigto oo qaadaysa 120 gaari, waxaa kale oo ka furan maktabad guud iyo kuwo kale oo wax lagu barto.

Sanadkii 2001, ayaa Ururka Midowga Islaamka ee Turkiga ee Arrimaha Diinta uu ka codsaday dowladda Hoose ee magaalada Cologne in goob ay ka dhistaan Masaajid weyn la siiyo, laakiin waxey ku khasbanaayeen iney muddo sanad ah sugaan, iyadoo shardiga kaliya ee ku xiran uu ahaa in dhismihiisa tartan loo galo, si magaalada uu u hesho muuqaal soo jiidasho leh, waxaa dhismaha naqshadeyntiisa ku guuleystay Ingineer dalka Jarmalka u dhashay oo la yiraahdo  Paul Bohm.

In Masaajidka la dhiso waxaa si rasmi ah loo ogolaaday 2008, aasaaskana waxaa dhigay Madaxa arrimaha diinta dalka Turkiga ee xilligaa Ali Arbashoglu , mas’uuliyiin ka tirsan DITIB iyo kuwo ka socday magaalada Cologne.

Sanadkii 2012, ayaa qeyb ka mid ah Masaajidka la furay si loogu tukado, waxaana dhismihiisa la bilaabay dhammaadkii 2014, farshaxanka Af-Carabiga  iyo decor-ka gudaha waxaa sameeyay khubaro laga keenay dalka Turkiga.

Ururka Islaamka ee Turkiga ayaa waxa uu gacanta ku hayaa 900 oo Masaajid oo gudaha Jarmalka ku yaalla, waxaana inta badan Masaajiddaa gacanta ku haya Imaamyo dalka Turkiga laga keenay, iyadoo dalka Jarmalka ay ku noolyihiin Jaaliyad lagu qiyaaso 3 milayn oo qof oo asalkoodu Turki yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close