arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Maydka Hooyadeed oo Muddo Bilo ah Guriga u Yaalla Iska Daawaneysay!

Haweenay Mareykan ah oo ka soo jeedda magaalada Enfield, North Carolina, dalka Mareykanka, ayaa bilo ka soo agtoosayay meydka hooyadeed oo sariirtii ay ku dhimatay dul yaalla.

Telefishinka WRAL ayaa sheegay in Nellie May Hudgins oo 69 jir ah, ay sheegtay inaaney hooyadeed oo (93 jir ah) aaney duugin geerideeda ka dib, si ay u ogaato marxaladaha geerida qofka ka dambeysa iyo sida uu jirku isku bedelayo!.

Haweenaydan waxey sheegtay in qaraabada, qoyska iyo saaxiibbada soo booqanayay ay ka horistaagi jirtay iney guriga gudaha u galaan, iyadoo kolba marmarsiiyo goonni ah u sameynaysay. dhanka deriska, urta maydku wey gaaraysay, laakiin waxey u haysteen iney  ka soo baxayso bullaacad guriga ka ag-dhaweyd.

Arrintan ayaa kashifantay kadib markii Hudgins ay goosatay iney hooyadeed aasto, waxey isku dayday iney la heshiiso shaqaalaha maydka aasa, laakiin wey u sheegi kari weyday maydku halka uu yaallo. arrintaas oo shaki dhalisay oo keentay in xafiiska mayd aasku uu la xiriiray booliska, waxaana la ogaaday in maydku yaallay guriga.

Khubaradii loo xilsaaray iney meydka baaraan ayaa sheegaysa in maydka dhimashadiisa ay dhowr bilood ka hor ahaa, Hudgins ayaa isla markiiba boolisku qabteen, waxaana lagu soo eedeeyay iney mayd muddo qarineysay, arrintaas oo dalkaa dambi ka ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close