WararkaWaxbarashada

Marxaladaha Geerida Nafta.. 5 Calaamadood oo Lagu Ogaado Qofka Arbiciinka Ku Jira ee Geeridiisu Soo Dhow Dahay

Daraasad Cilmiyeed cusub ayaa muujisay in aadanuhu aanuu mar kaliya dhiman ee laakiin geeridiisa Nafeed ay noqon karto maalmo ka hor inta aanuu qofku jir ahaan u geeriyoon.

Dr. John Leach, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamcadda Portsmouth ee dalka Ingiriiska, kana mid ahaa khubaradii daraasaddan wax ka wadday ayaa sheegay in mararka qaar qofka uu nafsiyan u dhinto isagoo weli neefsanaya, xubnaha jirkiisana ay fayow yihiin, waana marka qofka dhirbaaxo weyn oo lama filaan ah oo dhanka nolosha ah ay soo gaarto, arrintaas oo ka dhigaysa in qofka lagu arko astaamo goonni ah oo muujinaya inuu doonistii nolosha gabay.

Sida uu qoray website-ka “sciencedirect“, Dr. Leach, waxa uu tilmaamay in “Geeri-nafeedka ay tilmaaddo marka qofka niyad-jab daran uu soo waajaho isla markaana uu is-arko in meel uu u baxsadaa aaney jirin, wadada kaliya ee u furanna ay tahay dhimasho oo qura.”

Dr. Leach, waxa uu hoosta ka xarriiqay in qofka nafsi ahaan u dhimanayaa ay lagama maarmaan tahay inuu maro 5 marxaladood oo kala duwan:

1- Inuu Bulshada ka dhex baxo: Marka uu qofka ay dhibaato daran soo waajahdo, waxa uu noqonayaa qof aan waxba u abbo-yeelayn, waxwalba oo soo waajaha, si tartiib-tartiib  ah, ayuu xiriirkii bulshada u goosanayaa.

2- Daneyn la’aan: arrimo aasaasi u ah noloshiisa ayaanuu wax dan ah ka lahayn, sida; nadaafadda, raashinka, waxyaabihii uu markii hore ku raaxaysanayay oo dhan wax dhadhan ah uma yeelanayaan.

3- Doonistii oo ka lumaysa: Dhiirigelintii ayaa ka lumeysa, waxaana ku adkaaneysay go’aan qaadashada.

4- Xubanaha jirka oo dhaqaaqa gabaya: waxaanuu noqnayaa qof aan karin inuu si iskii ah xubanaha u dhaqaajiyo.

5- Geeri-nafeed: waa marxaladda ugu dambeysa ee marxaladaha geerida nafta, markaa qofka si rasmi ah ayuu isku dhiibayaa, kadib markii waddo kastaa oo nolosha ku dhiirrigelin lahayd ay ka xiranto.

Cilmi-baarayaashu waxay tilmaamay in qofka marka uu naf ahaan u geeriyoodo, waxa la sugaa un ay maalmo tahay, kadibna jir ahaan uu u geeriyoon doono, sababta wax kasta ha noqotee.

Dr. John, waxa uu carrabka ku adkeeyay in qofka laga badbaadin karo geeri nafeedka marxalad kasta oo 5 qeybood ee hore aan ku soo sheegnay ka mid ah, waxyaabaha lagu dhiirrigelin karo waxaa ka mid ah in uu shaqo jireed sameeyo iyo in lagu garabsiiyo si uu mar kale u xakeyn lahaa noloshiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close