WacyigelinWararkaWaxbarashada

4 Waddo oo Looga Adkaado Musiibooyinka Nolosha

Nolosha aadanaha is-bedello dhowr ah ayaa ku yimaadda, qaarkoodna ay yihiin kuwo dhib badan oo aad u adag, sida; dhimashada xaaska ama qof qaraabo kula ah oo aad kuugu dhow, furriin, xabsi, xanuun iyo fashil kaa soo gaara shay aad u jeclayd, xilliga ay dadka qaar moodaan in noloshu ay albaabada ka xiratay oo quus ay joogaan, ayaa waxaa ballaqma albaabada wanaagsan oo noloshaada wax badan ka bedela.

Website-ka Psychologytoday ee arrimaha caafimaadka, ayaa waxa uu xal u raadinayaa dadka xaaladdu ku adag tahay si ay uga adkaadaan oo farxadooda nolosha ay dib u soo ceshadaan.

4 Waddo oo looga dhowrsado Musiibooyinka Nolosha

1-Xasuusi Naftaada Sababta Ay tahay Inaad Isku Bedesho

Inaad ogaato in hareerahaaga ay wax badan iska bedeli doonaan waa tallaabada koowaad is-bedelka dhabta ah, hareeraheenna wax badan ayaa iska bedelaya dhibaatana ma laha, maxa yeelay; waayaha nolosha ayaa sidaa ku dhisan.

2- Garab weydiiso dadka kale

Qofna nolosha kaligii kuma guuleysto, inaad qof gaarb weydiisato daciifnimo maaha, marka aad aragto inaad garab u baahan tahay ha ka lababaneyn inaad garab weydiisato cid kasta oo aad is-leedahay waxaad ka helaysaa garab.

3- Qor Is-bedellada aad sameyso waxyaabaha kaa cajiba

Waxaa dhici kata is-bedel aad sameyso inaad waxyaabo wanaagsan kala kulanto, saaxiibbo cusub aad barato, is-bedelku mar kasta waxa uu na siiyaa fursad uu caqligeennu ku koro oo sidii hore uu kaga wanaagsanaado.

4- Naftaada nasasho fiican sii

xilliga is-bedelka, waxaad dareemi kartaa inaad xayndaabka ka sii baxayso, waxaad dareemi kartaa inaadan gaarsiisneyn heerkii aad naftaada ka fileysay, xasuuso in laguu ogol yahay inaad xaqiijiso guulaha suuraggal ah ee aad gaari karto mid ka hooseeysa, si aad naftaada culeyska uga dejiso, xasillooni aad u dareento.

Maandeeq FM

Related Articles

Close