WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee «Racep Tayip Erdogan» oo Si Rasmi Ah Looga Furay Gudaha Muqdisho

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho loo furay jaamacadda Caafimaad ee Racep Tayip Erdogan oo laga hirgeliyay gudaha Isbitaalka Ex-Digfeer.

Xafladda furitaanka oo hadda ka socota xarunta Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashada, safaaradda Turkiga ee Soomaalia iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Jaamacadda oo si kumeel gaar ah loo furay 2016-kii ayaa waxaa dhigta 270 arday oo qaarkood ay maanta qaadanayeen diploma ku aaddan xirfado caafimaad oo ay barteen.

Olgen Baker, Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa Sheegay in ka Dowlad ahaan dadkan ay ka fakareen horumarin lagu sameeyo barashadooda caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in ardayda cafimaadka baraneysa looga baahan yahay iney ku dadaalaan sidiii ay u hormarin lahaayeen Caafimaadka dalka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close