WararkaWaxbarashada

Maanta Waddan Cusub Ayaa Magaciisa Bedelaya.. Qaar Ka Mid Ah Dowladaha Magacooda Bedelay

Macedonia, waxey ka mid noqoneysaa dowladaha magacooda bedelay, waxaa dhici karta inuu magaceedu noqdo “Macendonia-da Waqooyi”, waa haddii cod bixiyeyaashu ay u codeeyaan afitida Axadda, September 30, 2018. maanta ka socota dalkaasi, mana aha dalkii koowaad ee magaciisa bedela dunidan aan ku nool nahay.

Dowlado badan ayaa horey magacooda bedelay markii ay xornimada heleen, Pakistan bari , waxey noqotay Bangladesh, Obangi-Chari waxey la baxday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Rhodesia oo noqotay Zimbabwe, Nyasaland oo la baxda Malawi iyo Bechuanaland oo la baxday Botswana.

Laakiin, in magaca laga bedelo waddan Xorriyad haystaa waa mid dhif iyo naadir ah. tusaale ahaan; boqorka Swaziland King Mswati lll ayaa xuska 50 guurada ka soo wareegatay xorriyadda dalkaas, April 19, 2018, ku dhawaaqay in magacii dalkiisa loo bedelay eSwatini, oo gumaysiga ka hor loo yaqaannay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close