arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal.. Haweenay Cashar Lama-illoowaan Ah u Dhigtay Laacib Kubbadda Cagta Ciyaara oo “Khaa’in” ah

Laacib kubadda cagta ciyaara oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa xaalad adagi ay ku qabsatay gudaha garoonka, saaxibtii ayaa ku garaacday laacibiintii kale hortooda, xilli ay socotay ciyaar u ka qeyb ahaa, kadib markii ay ogaatay in uu xaas kale qabo.

Gabadhan ayaa soo gashay gudaha garoonka, waxayna dhirbaaxo kala daashay laacibka oo garoonka ku jiray oo kubad ciyaarayay, garsoorihii ciyaarta hagayay waxa uu ku khasbanaaday inuu ciyaarta joojiyo si dagaalka garoonka ka socda loogu helo fursad lagu joojiyo.

Sida uu qoray wargeysa Mirror, Gabadhan ayaa ku qaylineysay: “Ma xaas baad leedahay?.. waxaa dhici karta inaaney xaaskaagu dan ka lahayn, laakiin anigu waan daneynayaa!, “Ii sheeg, ma xaas baad leedahay mise ma lihid? maxaad sidaa iigu sameysay? Ma waxaad u haystay inaad i khiyaami karto?

Markii ay xaaladdu adkaatay ayaa laacibiinta qaar ay isku dayeen iney kala qabtaan, laakiin wey ku guuldarreysteen, gabadhii meel goonni ah ayay ula baxday saaxiibkeed iyadoo ku qeylineysa, halka uu isagu isku dayay inuu wejiga ka qarsado, isagoon wax iska caabbin ah sameynayn.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close