WararkaWaxbarashada

Wasiir Goodax oo Dowladda Suudaan Uga Mahadceliyay Kaalinta Ay Ka Geysatay Waxbarashada Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, Wasiirka ayaa dowladda Suudaan uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay waxbarashada Soomaaliya:

“Waxaan kulan sagootin ah ugu sameeyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Ambasador. Maxamed Yuusuf Ibraahim, waxaan ka wada hadalnay, xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka, dowladda Suudaan waxay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho siiya dalkeenna, hadda waxaa jaamacadaha Suudaan wax ka dhigta ardey badan oo Soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Dowladda Suudaan ayaa waxaa wax ka barta kumanaan arday Soomaaliyeed oo waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah ka hela.

Maandeeq FM

Related Articles

Close