WararkaWaxbarashada

Maxaa Ragga Ku Riixa Khiyaanada Guurka?.. Daraasad Cusub

Daraasad Swedish ah oo cusub ayaa lagu ogaaday in raggu ay ku badan yihiin khiyaanada guurka  marka ay shahaado jaamacadeed wataan ama ay ka shaqeeyaan goobaha Alcoholka lagu iibiyo.

Cilmi-baarayaal daraasad ku sameeyay kumanaan xiriir guur oo ay xogo ka uruurinayeen muddo 20-sano ah, ayaa waxey ogaadaeen in makhaayadaha laga shaqeeyaa ay khiyaanada dhiirrigeliso, maadama dadka shaqaalaha ah ay waqti badan ku qaadanayaan saaxiibadooda shaqada ee jinsiga kale.

Laakiin, marka ay arrintu waxbarashada khusayso, cilmi-baarayaashu waxey ku jahwareereen iney wax kala duwanaanshiyo ah oo ku saabsan heerka khiyaanada ragga iyo dumarka ay heleen.

Kooxdan cilmi-baarayaasha ah oo ka tirsan Jaamacadda Stockholm, ayaa sheegay in dhiraandhirinta ay sameeyeen ay tahay tiii ugu horreeyay ee nooceeda oo kale, waxeyna tilmaameen in ragga iyo dumarka ay khiyaamo guur sameyn karaan, xilliga ay xafiisyada kala duwan ka shaqeynayaan, laakiin si gaar ah waxaa ugu badan, ayay yiraahdeen, ragga.

Daraasaddan ayaa waxaa si gaar ah loo eegay xogta malaayiin dadka Denmark u dhashay ah, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 44 sano, guursadayna inta u dhaxeysay sannada 1981-2002, waxeyna ka shaqeynayeen xogtaa muddo sanad ah ugu yaraan.

Cilmi-baarayaashu waxey yiraahdeen, mudadaa 21 sano ah, waxaan ogaannay in 215-kun oo lamaane is-qabay ay kala tageen.

Daraasaddan natiijada ka soo baxday ayaa muujineysa in fashilka guurka arrinta ugu badan ee loo aaneyn karaa ay tahay ragga oo saameyn ay ku yeelato shaqada, waxaana caddaatay in ragga mutacillimiinta ah ee shahaadooyinka jaamacadeed haystaa ay ku badan yihiin khiyaanada guurka, halka dumarka jaamiciyiinta ahi aaney la mid ahayn.

Sida lagu xusay warbixin la soo saaray sanadkii 2012, xarumaha faya-dhowrka iyo ka hortagga cudurrada, dumarka haysta shahaadada Bachelor-ka,  78% in ay haystaan furad uu guurkoodu ku sii jirir karo muddo 20-sano ah ugu yaraan, iyadoo warbixintaa lagu tilmaamay iney guurka ku raagaan.

Sidaas oo kale, cilmi-baarayaashu waxey heleen in da’du ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto guurka iyo marka laga hadlayo khatarta furriinka, waxaana la tilmaamayaa in khatarta furrinku uu ku yar yahay 40% dadka guursaday Afartan jirka ka dib.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close