arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal.. Gabar Dhalinyaranimo Ku Geeriyootay oo “iPhone” Lagu Hoos Aasay!

Si ka duwan habka ay u dhisan yihiin qubuuraha magaalada Ufa ee dalka Ruushka, muuqaalka qabri hab goonni ah loo dhisay ayaa soo jiitay warbaahinta caalamka, naqshadeynta la yaabka leh ee loo sameeyay darteed.

Dhismaha qabriga gabar da’yaraan ku geeriyootay ayaa loo ekaysiiyay mobile-ka iPhone 7, waa naqshadeyn u gaar ah qabriga gabar ka tirsaneyd dadka maxalliga ah ee magaalada oo dhimatay sanadkii 2016, iyadoo 25 jir ah.

Muuqaalka qabriga “iPhone” loo ekaysiiyay, ayaa faahfaahinta ugu yar aan laga tagin oo dhan walba taleefoonka loo ekaysiiyay, waxaa lagu sawiray qeybta numberrada laga garaaco, halka camera-da dambe iyo xitaa godkii iftiinka ay ka hesho wax laga tagay ma jiraan, iyadoo aan laga tagin magaca iyo calaamadda Apple ee goonnida ah, halka wejiga hore lagu soo daabcay sawirka gabadhan dhalinyarada ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close