WararkaWaxbarashada

Wasiirka Maaliyadda XFS Soomaaliya oo Cashar Dhaqaalaha Ku Saabsan Ka Bixiyay Jaamacadda Ummadda

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cashar ku saabsan maaliyadda u dhigay ardayda Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kuwa Kulliyadda Dhaqaalaha.

Wasiirku waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu uga hadlayo casharka uu ka bixiyay jaamacadda Ummadda Axaddii, 30, September, 2018, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arday Soomaaliyeed cashar siiyo si ay berri uga qeybqaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Maanta waxaan Cashar ku saabsan dhaqaalaha siiyay Ardayda Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kuwa Kuliyadda Dhaqaalaha. Waxaan ku faraxsanahay inaan waqti la qaato si bari iyaguna ay wax badan uga taraan kobaca dhaqaalaha Soomaliya. Waxaan u rajeynayaa guul dhamaan Ardayda Soomaaliyeed.”, ayuu yiri Dr.Bayle

Si kastaba, arrintan ayaa u muuqata mid yididiilo badan u leh ardayda, ku dayasho wanaagsanna u ah khubarada iyo aqoonyahanka siyaasadda ku jira iney waqtigooda qeyb ka mid ah uga faa’iideeyaan ardayda Soomaaliyeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close