WararkaWaxbarashada

Benaadir: Iskuullaadka Dowladda oo Loo Qeybiyay Manhajka Cusub

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare e xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta iskuullada dowladda u qeybiyay buugaagta manhajka ee dhowaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Iskuulladan oo ku yaalla gobolka Banaadir isla markana ah dugsiyadii dhowaan dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada isagoo ardeydda u qeybiyay bugaagta cusub.

Agaasimaha waaxda dugsiyadda wasaaradda waxbarshada Soomaaliya Muuse Maxamed Caraale ayaa bogaadiyay manhajka waxbarashada dalka isagoo kula dardaarmay walidiinta inay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka caruurtooda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegta dowladda intooda badan loo qeybiyay manhajkan cusub.

“Maanta waxaa nasiib u yeeshay in iskuulladii dhowaan la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare in u qeybiyo bugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada ay la soo wareeji doonto dhammaan iskuullada ay leedahay dowladda, islamarkana loo dhameystirayo manhajka waxbarshadda dalka.

“ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in maanta ay lee yihiin manhaj mideysan oo wax lagu barayo ardaydda Soomaaliyeed”ayuu yiri Feysal Cumar Guuleed.

Si kastaba, wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday iney la wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gudaha gobolka Benaadir oo ay dhigtaan 14, 803 oo arday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close