WararkaWaxbarashada

James P Allison iyo Tasuku Honjo oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Nobel prize-ka Caafimaadka

Labo Saynisyahan oo u kala dashay Mareykanka iyo Japan ayaa si wadajir ah ugu guuleystay abaalmarinta Nobel prize-ka Caafimaadka ee sanadkan 2018.

Labadan caalim ayaa qeybsanaya lacago 9 milyan oo Swedish kronor(£775,000), oo ah abalmarinta lagu bixinayo, waxaana siinayay guddiga Nobel-ka ee Klarolinska Institute oo xaruntoodu tahay Stockholm.

Nobel Prize Physiology ama Caafimaadka, waxaa si wadajir ah loo guddoon siiyay James P. Allison iyo Tasuku Honjo, waxey soo saareen daawo kansar, waxey dib u habeyn ku sameeyeen difaaca jirka oo unugyada kansarka si goonni ah ula dagaallamaya (Negative Immune Regulation).

Maandeeq FM

Related Articles

Close