WararkaWaxbarashada

Makhluuqii Ugu Weynaa Dunida 200 Milyan oo Sanno Ka Hor oo La Daahrogay

Koox Saynisyahanno ah ayaa daahrogay nooc cusub oo Dinosaur ah oo ku noolaa adduunka 200 milyan oo sanno ka hor.

Dinosaur-kan cusub oo loo bixiyay “Ledumahadi mafube“, waxa uu ku soo laba laabmayaa labo jeer nooca maroodiga ugu waaweyn Adduunka xilligan aan joogno, waxa uu miisaankiisu ahaa 12 tan, halka dhirirkiisu gaarayay 4-mitir.

Khubaradan ayaa sheegay in noocan cusub ee Dinosaur-ka ah uu ahaa xawayaankii ugu weynaa ee dhulka ku dul noolaa xilligaa.

Caalimka dagal-baarka ku takhasusay ee Professor Yonah scheiner ee ka tirsan jaamacadda Witwatersrand ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in magaca Dinosaur-ka uu ka tarjumayo sida uu u weynaa, waxa uu ka tirsaa faraca Dinosour-ka Serbia.

Dinosaur-kan dagal-baarka lagu helay ayaa la aaminsan yahay inuu dhintay isagoo jiifa, khabaaradan ayaa da’diisa ka ogaaday lafaha oo baaritaan lagu sameeyeen.

Sida ay sheegayaan khubaradan dagal-baarka sameysay, natiijooyinka la gaaray waxey wax badan ka bedeli doontaa, waxyaabihii markii hore laga haystay, hab noloeedka Dinosaur-kan aadka u weyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close