arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawirka Ilbiriqsigii Koowaad Xilligii uu Qarxayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka oo Markii Ugu Horreysay Lasoo Bandhigay

Sawir aan horey loo faafin oo muujinaya ilbiriqsiga la ridayo qorigii ugu horreeyay ee kiciyay dagaalkii Labaad ee adduunka, kaas oo ay ku dhinteen 70-milyan oo qof oo ay ka dhalatay dhibaatooyinkii bani’aadamnimo kuwoodii ugu darnaa Adduunka.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska, sawirkan waxaa lagu qaaday kalar la’aan, midabka caddaanka iyo casaanka, qorigan waxaa laga tuuray markab gujis ah oo dalka Jarmalka laga leeyahay, waxaana lagu tuuray magaalada Gdansk ee gudaha Poland.

Qorigan ayaa laga riday markabka Schleswig-Holstein, September 1, 1939, kaas oo kiciyay dagaalka, Labo maalmood un ka dib markii xabbadaa la riday, ayaa Ingiriisku ku dhawaaqeen iney dagaal kula jiraan dalka Jarmalka.

Sawirkan taariikhiga ah ayaa lagu iibinayaa gudaha dalka Ingiriiska, iyadoo lacagaha miiska lagu soo saarayaa ay gaarayaan 250 kun oo gini.

Taariikhyahan reer Ingiriis ah ayaa sawirkan inuu helo ay u suurogashay, lixdameeyadii qarnigii tagay, xilli uu doonayay inuu uruuriyo xasuusta ciidanka.

Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler, ayaa isku dayay inuu qabsado magaalada oo dadka daggan 85% ay yihiin dad jarmal ah, Soddomeeyadii Qarnigii Hore, laakiin dagaalkii ka dib ayaa Poland laga eryay.

Dagaalka labaad ee adduunka, ayaa socday Lix-sannno oo dhammeystiran, waxa uu bilowday September, 1939, waxaana lagu kala baxay September 2, 1945.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay, Jarmalka, Talyaaniga, Japan oo dhinac ah iyo dowladaha xulafada dhanka kale, dagaalkan ayaa waddo cusub u jeexay taariikhda casriga ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close