WararkaWaxbarashada

Taariikh.. Donna Strckland oo Noqotay Haweeanydii Saddexaad ee Abid Ku Guuleysata Noble prize Physics-ka

Saddex Saynis yahan ayaa waxey heleen abaalmarinta Nobel prize Physics-ka sanadkan 2018, iftiin ayay ka sameeyeen muuqaal gudbiye cufnaan badan oo waqti kooban qaadanaya ee culuumta laser ka.

Abaalmarintan ayaa waxaa qeybsanaya Arthur Ashkin oo Mareykanka u dhashay, Gérard Mourou oo Fransiis ah iyo Donna Strckland oo Canada u dhalatay, waxey qeybsanayaan 9milyan oo Swedish kronor (£770,000) oo ah lacagtii abaalmarinta lagu bixinayay.

Donna Strickland oo noqotay hawenaydii saddexaad ee abid ku guuleysata abaalmarinta Nobel prize-ka physics-ka ayaa tiri: “Waxaan u baahannahay inaan la dabbaaldagno cululmada physics-ka dumarka, illeen maanta halkan wey joogaane.. Waxaa sharaf weyn ii ah inaan ka mid noqdo dumarkii abaalmarintan horey ugu guuleystay, waxey ku biirtay Maria Goeppert-Mayer (1963), iyo Marie Curie (1903) ku guuleysatay abaalmarinta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close