arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

10 Haaween ee Ugu Quruxda Badan Adduunka 2018

Marka aan ka hadleynno mowduuc quruxda khuseeya, waxaa lagma maarmaan ah in la soo hadal qaado dumar, maadama ay yihiin bilowga iyo dhammaadka quruxda.

Websiteka Wunderlist ee caanka ah ayaa soo saaray liiska dumarka ugu quruxda badan adduunka 2018, dadkii liiskan ka shaqeeyay waxey eegeen dhinacyo badan, quruxda dibadda oo qura ma aaney eegin, dumarkan aayaa ku caan baxay, awood, caqli iyo shacbiyad ballaaran, guulaha ay nolosha ka gaareen oo lagu daray soo jiidashada iyo quruxda, hadaba waa kuwan liiska dumarka ugu quruxda badan Adduunka.

Kaalinta 10aad: Taylor Nation

Waa jilaa, heesaa, abwaan heesaha Bob-ka curiya, liiskan waxey ka gashay kaalinta 10aad, waxey dhalatay December 13, 1989, sanadkii 2006 ayay soo saartay heesteedii ugu horreysya ee kaligeed ay qaaddo, kadibna waxey soo saartay albamkeedii ugu horreeyay oo magaceeda wata, waxaa loo sharraxay abaalmarinta heesaaga ugu wanaagsan abaalmarinta 50th Annual Grammy Awards, sidaas oo kale waa wariye warbaahinta ka howlgashaa.

9aad: Selena Gomez

Waa jilaa, heesaa, abwaan heesaha curiya, fannaanadan Mareykanka ah ayaa soo gashay kaalinta 9aad ee liiskan, waxey ka soo jeeddaa magaalada New york, waxey dhalatay July 22, 1992, hadda waa 25 jir, aabaheed waxa uu ka soo jeeda Maxico hooyadeedna waa Taliyaani.

Kaalinta 8aad: Emma Watson

Gabadhan caanimadeedu waxey bilaabatay, kaalintii ay ka matashay silsiladda Aflaamta Harry Potter, abaalmarinno kala duwan ayay ku guuleysatay, liiskan waxey kaga jirta kaalinta 8aad ee dumarka ugu quruxda badan adduunka, guulo is-daba joog ah ayay gaartay, waxey dhalatay 15 April, 1990, caasimadda Faransiiska ee Paris, waa jilaa, dharka xayaysiisa oo dalka Ingiriiska ka soo jeedda, hibooyin badan ayay leedahay, October 2013 waxaa loo aqoonsaday xidigta ugu soo jiidashada badan Adduunka, ra’yi uruurin la sameeyay joornaalka Empire ee caanka ah.

Kaalinta 7aad: Fahriye Evcen

Jilaa jarmalka u dhalatay oo asal ahaan dalka Turkiga ka soo jeedda, waxaa loo soo xushay haweynayda 7aad ee ugu quruxda badan adduunka, Jun 4, 1986 ayay ku dhalatay Jarmalka, waxbarashadeedii jaamacadda waxey ku takhasustay cilmiga bulshada, jaamacadda Heinrich Heine, laakiin waxey ku laabata magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas ayay ku sameysay musalsalkeedii ugu horreeyay, halkaas oo ay ka heshay caannimo, waxey ku jishay magaca (Najla) musalsalkii Caleemaha Soo Daatay ee Turkiga ah.

Kaalinta 6aad: Taylor Hill

Waa gabar dharka xayaysiisa oo Mareykan ah, Hill, waxey dhalatay Marso 5, 1996, magaalda Platinum ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka, inta aaney dharka xayaysiin, waxey ciyaari jirtay Gymnastics oo xirfadle ay ku ahayd, sanadkii 2015 waxey heshiis la gashay si ay u noqotay gabdhaha dharka xayaysiisay ee daarta dharka lagu xayaysiiyo ee  Victoria’s Secret ee caanka ah.

Kaalinta 5aad: Beyonce

kaalinta 5aad waxaa soo gashay heesaaga iyo jilaaga caanka ah ee reer Mareykan Beyoncé, waxey dhalatay September 4, 1981, waxey ku soo barabaartay magaalada Houston ee gudaha gobolka Texas, waxey soo caan baxday sagaashamaadkii oo ay ka tirsaneyd koox heesaa dumar ah oo la yiraahdo Contemporary R&B

Kaalinta 4aad: Priyanka Chopra

Inta badan liiska dumarka ugu quruxda badan dunda laga waayo, horey ayay ugu guuleysatay tartanka Quruxda Adduunka sanadkii 2000, gadhan jilaaga ah ee reer India, waxey dhalatay July 18, 1982, intii ay fanka ku jirtay waxey ku guuleysatay abaalmarinno badan oo maxalli ah iyo kuwo kale oo heer caalami ah, waxaa ka mid ah abaalmarinta Filmka Waddaniga ah, iyo abaalmarinta flim fair.

Kaalinta 3aad: Alexandra Daddario

Waxaan soo gaaray saddexda kaalmood haweenka ugu quruxda badan adduunka, gabadhan  jilaagan ah ee reer Mareykan, waxey dhalatay March 16, 1986, gudaha magaalada New York, waxey jilaanimada soo gashay 2002.

Kaalinta Labaad: «Nana «Im Jin-ah

Waa haweynda labaad ugu quruxda badan Addunka, waa jilaa, heesaa Rap-ka qaadda, dharka xayaysiisa. waxey dhalatay September 14, 1991, magaalada Cheongju, waxey fanka soo gashay 2009, waxeyna ka tirsan tahay kooxda After School (band).

Kaalinta koowaad: Liza Soberano

Waxey ku jirtaa kaalinta koowaad dumarka ugu quruxda badan adduunka, waa haweenay dharka xayaysiisa iyo jilaa u dhalatay dalka Philippine, waana 19 jir.

Maandeeq FM

Related Articles

Close