arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Kim Kardashian” oo Hoggaamineysa Liiska Shaqsiyaadka Caanka ah ee Ugu Khatarta Badan Internetka

Haddii aad ka mid tahay dadka xiiseeya wararka gabadha dharka xayaysiisa ee reer Mareyan Kim Kardashian, wararkeedana aad kala socoto dhanka internet-ka, marka aad qormadan akhriso la socodka warkeeda waad iska joojin doontaa, waa marka aad dooneyso in aad ka badbaaddo tuugada internetka iyo baraha jabsada.

Warbixin ay soo saartay shirkad ammaanka internetka ka shaqeysa(cyber-security), ayaa lagu sheegay in Kim Kardashian ay liiska kaalinta ugu sarreysa ka gashay dadka caanka ah ee ugu khatarta badan internetka..

Shirkadda ayaa caddeysay in raadinta magaca Kardashian ee dhanka internet-ka uu la xiriiro, linkyo wata virus computer-ka ama aaladda aad isticmaalayso kaa halleynaya oo loogu talagalay in macluumaadkaaga lagu jabsado.

Kaalinta labaad waxaa soo galay, gadha dharka xayasiiyay ee reer Ingiriis Naomi Campbell. Kaalinta saddexaad waxaa gashay Kourtney Kardashian. kaalinta afaraad waxaa soo gashay gabadha heesaaga ah ee reer Ingiriis Edel. halka gabadha wariyaha ah ee Caroline Flack ay kaalinta 5 aad ka gashay liiska dadka caanka ah ee raadintoodu ay ugu khatarta badan tahay dhanka interetka.

Shirkadda McAfee, waxey leedahay in dambiilayaasha internet-ka ay caan ku yihiin iney dadka caanka ah u adeegsadaan iney dadka ku khiyaamaan, si ay dadku u soo raacaan link-yada oo marka dambe geynaya website-yada hackers-ka ay ku xadaan macluumaadka shaqsiga barihiisa gaarka ahna ay ku jabsadaan.

Shirkaddan ayaa ku talineysa si website-yadaa virus-ka wata looga dhowrsado ay lagama maarmaan tahay in la furo oo la raaco linkiyada website-yada ay ku kalsoonaan yihiin oo qura, ha noqdaan warar ama video-yo, iyadoo barnaamijkii ugu casrisanaa ee virus-ka lagula dagaallamayo ku shubanaya computer-ka iyo aaladahooda degital-ka ah ee ay isticmaalaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close