WararkaWaxbarashada

Waxaa Laga Soo Tuuray Dabaqa Shanaad.. “Moos” Geeri Ka Badbaadiyay Ilmo Yar oo Dhawaan La Dhalay

Gabar yar oo dhawaan un la dhalay ayaa ka badbaadday geeri gudaha Thailand October 1, 2018, kadib markii ay ka soo dhacday dariishadda dabaqa 5aad.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in dhacdadan ay ka dhacayday deegaanka Samut Prakan ee gudaha Thailand, dadka deegaanka ayaa maqalay codka ilmahan yar oo ka dhex ooyaya beer moos oo dhismaha laga tuuray ka dambeeysa. markii ay beerta galeen ayaa ay ka heleen ilma yar oo dhawaan la dhalay oo xudduntii ay ku taallo.

Canugtu dhulka ayay taallay waxaana ku hareeraysnaa caleemaha geedka mooska oo googo’an, canugtan yar ayaa waxaa soo gaaray xagtimo yaryar oo qura iyo qaar ka mid ah qaniiyada kaneecada.

Booliska ayaa aaminsan in canugtan yar laga soo tuuray dariishadda. dariska ayaana arrintaa xaqiijiyay, oo sheegay in haweenay dhalinyaro ah oo ku nooleyd dabaqa 5aad ay dariishadda ka tuurtay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close