arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Macallimad Ah oo Isku Daldalshay “3 Eray” oo uu Dhkhtar Ku Yiri

Macallimad Ingiriis ah ayaa isku daldalashay sabab ay dad badani u arkeen iney tahay mid aan macno badan lahayn, laakiin dadka yaqaannay iyo macaarifteedu waxey caddeynayaan iney ahayd qof dhinac walba ka dhammeystiran, waxyaabaha ugu yaryar muhiimad siin jirtay, sidaa darteedna ay saameyn ku yeelatay farriin uu u soo diray dhakhtarkeeda.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Chelsey Peart, 27 jir ah, wey is-daldashay kadib markii uu dhakhtar Psychologist ah oo daweynayay uu ku tilmaamay iney tahay “Qof aan dareenkeedu Weli qaangaarin”.

Ninkii qabay ayaa isku dayay inuu badbaadiyo, laakiin macallimadda waxey geeriyootay isla markii isbitaalka la geeyay, halka iney is-daldasho ay qoyskeeda ku noqotay mid lama filaan ah.

Chelsey waxey ahayd macallimad dhanac kalena ka maamuleysay ganacsigeeda gaarka ah oo dhanka suufka ay ka ganacsaneysay, laakiin dhakhtar ay ku xirneyd ayaa u sheegi jiray iney fasaxyo kala duwan ay qaadato laga soo bilaabo 2017.

Haweenaydan dadkii yaqaannay waxey leeyihiin waxey ahayd macallimad ay ardaydu aad ugu daydaan aadna u howlqabad fiican, Chelsey xilli hore ayay qoyskeeda la wadaagtay iney ku fakarayso iney is-disho.

Hooyada Chelsey ayaa sheegtay farriinta ay gabadheeda dhakhtarka ka heshay iney saameyn khatar ah ku yeelatay, arrintaas ayaa dood ka dhalisay saxnidamada dhaqanka dhakhtarka iyo inuu ku khaladnaa inuu qof bukaan ah erayadaa qallafsan uu si toos ah kula hadlo.

Hay’adda caafimaadka deegaanka Doncaster ee waqooyiga Ingiriiska ayaa cambaareeyay weedha “Qof aan dareenka ka qaangaarin”, waxey sheegeen in weedhaasi aaney ahayn mid dhakhtar iyo qof aqoon leh toona uu ku hadlo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close