WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Dayaxii Ugu Horreeyay Ka Helay Goob Ka Baxsay Xayndaabka Qorraxdeena

Saynisyahannada Astronomey-ga Alex Teachey iyo David Kipping oo ka tirsan Jaamacadda Columbia University, ayaa sheegay iney dayax ka heleen meere yar oo  ka baxsan nidaamka qorrexeedna oo inaga fog kumanaan sano-iftiin.

Saynisyahannada ayaa adeegsaday telescopes-ka Kepler iyo Hubble, labadan khabiir ayaa aaminsan in meeraha magaciisu yahay Kepler-1625B uu leeyahay dayax yar oo Neptun le’eg.

Sida uu qoray jariidada Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, sida caadada ah wax dayax ah lagama helo meerayaasha kale ee ka baxsan nidaamka Qorraxdeena, arrintaan oo daahrogga ka dhigaysa mid muhiim ah, waxa uuna rumoobay markii ay labadan Saynisyahan heleen calaamado muujinaya in dayax laga heli karo meeraha kale ee Kepler 284.

Kipping waxa uu yiri: “Waxaan aragnay qallooc yar iyo  vibration iilanaka iftiinka ah oo dareenkeenna soo jiitay”

Labadan Saynisyahan ayaa telescopes -ka Hubble uu ku qaatay 40 saacadood iyagoo isha ku hayay Kepler-1625B, waxeyna caddeeyeen in Kepler 1625B iyo dayaxa raacsan ay isku jiraa sida dhulka iyo dayaxeenna ay isku jiraan oo kale, laakiin labadadoodu (Waa dayaxa iyo meeraha) ay ku yaallaan goob nolosha laga fili karo, laakiin  Kepler-1625B aan lagu noolaan karin maadama uu neef yahay, waa sida khubaradani ay aaminsan yihiin.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close