arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Da’yarka Leh Baalasha Indhaha Ugu Dheer Dalka Ruushka

Website-ka Life.ru ee dalka Ruushka ayaa soo bandhigay sawirro da’yar Tajiks ah oo lagu magacaabo Muin Bachonaev oo 11 jir ah, waxa uu leeyahay baalasha indhaha ee ugu dhaadheer dalka Ruushka.

Waalidiinta dhashay Muin oo dhawaan ka soo guuray Tajikistan, si ay Moscow ugu noolaadaan, ayaa sheegay in markii uu dhashay ay baalashiisa indhaha ay taabanayeen faruurihiisa oo ay sii baxeen illaa ay ka gaaraan 3.5cm.

Khubarada diiwaangelinta  ayaa canuggan ka diiwaangeliyay Guiness World Record Ruushka. waxey mariyeen baaritaanno kala duwan, waxey ogaadeen in xaaladdiisa caafimaad ay aad u fiican tahay.

Da’yar kan ayaa doonaya inuu mustaqbalka noqdo laacib Kubadda Cagta ciyaara oo xariif ah.

Muin, waxa uu soo jiitay warbaahinta caalamka sida; Daily Mail iyo warbaahin kale, iyadoo heesaaga caanka ah ee Ruushka Tarzan uu sawir la galay da’yar kan uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Maandeeq FM

Related Articles

Close