arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kalluunka “Koi Carp” Ugu Qaalisan Adduunka

Kalluun nooca “Koi Carp” ah, ayaa lagu kala iibsaday suuqa kalluunka Japan lacago aad qaali u ah, waxaa lagu iibiyay 203 milyan oo Yen-ka Japan ah oo ah lacag u dhiganta 1.4 milyan oo Pound Ingiriiska ah.

Kalluunkan ayaa la yiraahdaa “S Legend“, waxa uu ka tirsan yahay nooca Kohaku, oo la aaminsan yahay iney ka wanaagsan yihiin kalluun badan oo lacago raqiis ah lagu iibsado.

Kalluunkan ayaa lacagaha lagu iibsaday ay record ka dhigeen dunida, isagoo noqday mallaayga nooca Koi Carp ugu qaalisan adduunka.

Kalluunkan ayaa lagu iibiyay tartan adag oo ka dhacay beerta Saki ee Kalluunka ee magaalada Hiroshima.

Kaluunkan ayaa waxaa iibsaday gabar yar oo Taiwan ka soo jeedda oo la yiraahdo Miss Yingying, waxey dooneysaa iney kalluunkan ku gasho tartanka “All Japan Koi” oo ay sanadkii hore ku guuleysatay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close