WararkaWaxbarashada

Maxkamad Jarmal Ah oo Diidday Racfaan uu Qaatay Qof Dad Cun ah

Maxkamad Jarmal ah ayaa Jimcihii October 5, 2018, xukuntan iney lagama maarmaan tahay in xabsiga lagu sii hayo engineer Jarmal ah oo qof ka codsaday dilay, kadibna hilibkiisa cunay, dhacdo argagax ku noqotay gudaha Jarmalka, in kasta oo ay jirto inuu 15 sano xabsi ku qaatay, ayaa hadana racfaan uu qaatay Armin Meiwes waxaa ka soo diidday maxkamadda Frankfurt, si xukunka xabsi daa’imka looga khafiifiyo.

Sheeko argagax ku beertay dad badan oo Jarmalka, Meiwes, ninka uu qashay oo la oran jiray Bernd-Jurgen Brandes, waxa uu ka helay Internetka, waxa uu ahaa maamule Information technology ku shaqeysta,  Baraha-bulshada ayuu ku faafiyay ogaysiis uu ku codsanayo «Qof noloshiisa soo afmeera oo aan wax raad ah kaga tagin.»

Brandes ayaa tarreen u raacay si uu ula kulmo Meiwes oo ku sugnaa deegaanka Rotenburg ee galbeedka Jarmalka. Marso, 2001, Meiwes ayaa isa sawiray isagoo xubinta taranka ee Bernad ku jaraya middi, inta aaney labadan nin isku dayay iney xubintaa si wadajir ah u cunaan.

Brandes, wuu miyir-daboolmay, markii uu dhiig farabadani uu ka baxay, waxa uu ku fariisiyay kursi, kadibna waxa uu ka jaray qoorta.

Jirkii ayaa waxa uu suray maqaalinta hilibka la suro, 30kiilo oo hilibka ka mid ah ayuu ku guray kiishash, qaar ka mid ahna waxa uu ku cunay kaabash iyo baradho!.

Maxkamad Jarmal ah, ayaa  Meiwes ku eedaysay inuu gaystay dil khalad ah oo aan ula kac ahayn, waxaana ku xukuntay xabsi 8-sano ah 2004.

Laakiin, maxkamadda Frankfurt, ayaa sanadkii 2006, xukunkii hore ka laashay, waxey maxkamaddu diidday in  Meiwes uu dilka u geystay codsi uga yimid dhibanaha oo ogolaa in la cuno, waxkamaddu waxey sheegtay inuu yahay qof nafsiyan u buka, laakiin waxa uu sameynayay uu kas cad u sameeyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close