WararkaWaxbarashada

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Deeqaha Waxbarasho ee Ay Sanadkii Siiyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 20 dhaliyaro ah oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka oo deeq waxbarasho ka heley Dalka Itoobiya, ayaa Khamiistu lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka qeybgalay safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustaf.

Sida ay qortay warbaahinta Dowladda, Jamaaludiin Mustaf Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya ayaa sheegay iney sanad walba siiyaan bixiyaan 190 arday ah oo deeq waxbarasho ah oo ay siiyaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya:

“Waxa ay ka mid tahay arrintan iskaashiga labada dal ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, wuu ballaaran yahay iskaashigaa; balse tani qeyb kamid ah waaye,waxaa barnaamijkan barbar socda sanadkasta minxada waxbarasho ee aan siinno Soomaaliya, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya sanadkan 190 ayaa siinnay todobaadkan ayuu dhamaandoonaa”. Ayuu yiri Danjire Jamaaludiin Mustafa.

Wasiiru dowlaha Waxbarashada iyo Taclinsta sare C/raxmaan MAxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya deeqdan waxbarasho,wuxuuna xusay in labada dal u ka dhexeeyo xiriira dhinacyo kala duwan ah.

Si kastaba, Marka laga yimaddo hadal uu jeediyay la-taliyaha wasaaradda waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan, oo yiri qeybinta minxadani waxey ku dhacday si caddaalad ah, ayaaney hadana jirin wax muujinayay in nidaam caddaaleed loo maray qeybinta deeqahan waxbarasho.

Maandeeq FM

Related Articles

Close