WararkaWaxbarashada

“Denis Mukwege” iyo “Nadia Murad” oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2018

Nobel Prize-ka Nabadda 2018, ayaa la-guddoonsiiyay dhakhtarka reer Congo ee Nenis Mukwege iyo gabadha reer Ciraaq ee Nadia Murad, waxey ku mutaysteen dadaalkii ay u galeen in la joojiyo dhibaateynta dumarka xilliga dagaallada hubaysan.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in dhakhtar Mukwege uu ahaa “Sababtii ugu muhiimsaneyd ee loogu midoobay halganka la doonayay in lagu soo af-jaro dhibaatooyinka dumarka ee xilliga dagaallada iyo isku dhacyada ay jiraan.”

Dhanka kale, Nadia Murad oo ka soo jeedda qowmiyadda laga tirada badan ee Êzidî-ga Ciraaq, ayaa waxaa horey u af-duubtay “Daacish”, waxey soo martay dhibaatooyin badan, abaalmarinta waxey ku mutaysatay “Geesinimadii ay muujisay, markii ay soo bandhigeysay dhibaatooyinkii loo geystay.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close