WararkaWaxbarashada

Haddii Aad Heshay Nuujin Dabiici Ah Ogow Asaaggaa Inaad Ka Hanti Badaneyso (Cilmi-baaris)

Daraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka hela nuujinta dabiiciga ah ay helaan lacago ka badan asaagooda aan helin nuujita dabiiciga ah.

Daraasadda oo ay ka qeybgaleen 9 kun oo qof oo naaska hooyadood si dabiici ah u nuugay, ayaa la ogaaday in dakhiligooda uu 10% ka sarreeyo asaagood, da’da Kontomeeyada kadib.

Khubaradan ayaa aaminsan in nuujinta dabiiciga ah ay hagaajiso horumarka maskaxda, ayna yarayso xasaasiyadda iyo jirrada.

Daraasaddan cusub oo laga sameeyay jaamacadda “Queen’s Belfast”, ayaa tilmaameysa in lacago badan lagu bixiyo sidii dadka loogu wacyigelin lahaa nuujinta dabiiciga ah, arrintaas oo laga heli doono faa’iido mudada dheer oo dhanka nolosha ah lagu naaloodo.

Khubaradu waxey leeyihiin, lacagaha wacyigelinta nuujinta lagu bixiyo, waxey keeni doonaan mustaqbalka dhaqaale kobac fiican oo la gaaro.

Dr. Mark McGovern oo daraasaddan wax ka diyaariyay ayaa yiri: “Cilmi-baarista aan sameynnay waxey muujineysaysaa suuraggal-nimada in nuujinta dabiiciga ah ay kaalin weyn ku yeelan karto dhaqaalaha inta uu qofku nool yahay.”

Dr. McGovern, waxa uu caddeeyay in natiijooyinka ay gaareen, haddii ay jiraan caruur badan oo hela nuujin dabiici ah, ay suuraggal tahay iney sameeyaan wax-soosaar weyn oo dhaqaale, waxaa looga faa’idaysan karaa caafimaadka iyo aqoonta.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in marka la gaaro 50 jirka muushaarka dadka nuujinta dabiiciga ah soo qaatay ay helaan 708 gini(ku dhawaad 922milyan oo dolar) isbuucii, marka la barbardhigo 588 gini(766 milyan oo dolar), dadka aan helin nuujinta dabiiciga ah, farqiga u dhaxeeyaa 20%.

Marka natiijadii la bedelay, iyadoo si gaar ah loo tixgeliyay dabaqadaha kala duwan ee bulsho iyo dhaqaalah, kala duwanaanshiyaha waxa uu hoos u dhacay 10%.

Hay’adda adeegyada caafimaadka Waddaniga ah ee dalka Ingiriiska ayaa soo jeedineysa, in dumarka ay waajib ku tahay iney caruurtooda ku quudiyaan caanaha naaska, illaa inta ay ka gaarayaan 6-bilood ugu yaraan, kadibna loo sii wado nuujinta dabiiciga ah iyadoo raashinka qaar la soo gelinayo nidaamka cuntadooda si tartiib-tartiib ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close