WararkaWaxbarashada

«Shaqada Cimriga» oo Ka Bannaan Dalka Australia.. Mushaarku Waa 140-kun oo Dolar

Qaaradda aadka u fog ee Australia oo ay u haajiraan kumanaan kun oo muhaajiriin ah sanadkii, ayaa waxey u muuqataa mid iriddo Arsaaq ay ka furmeen, shaqooyin aan qaarkood khibrado iyo shaqaadooyin lagaaga baahneyn oo mushaar aad u qaali ah lagu qaadanayo.

Warshahadaha macdanta oo dib u kabasho fiican sameeyay Australia ayaa waxaa la raadinayaa shaqaale dhinacyo kala duwan, laga bilaabo cunno kariye-yaal, shaqaalaha nadaafadda, engineerro, khubaro dhanka makaannigga ka shaqeysa, kadib markii ay shirkadahaasi shaqaalaha ay hoos u dhigeen sannooyinkii la soo dhaafay.

Jariidada Daily Mail oo arrintan u dhabbo gashay, ayaa ogaatay in codsiyada shaqaale doonka ah ee shirkadaha ay korortay 1/3 (Saddex meelood oo meel).

Sicirka birta iyo dhuxul dhagaxa ayaa dib u kabasho sameeyay, kadib markii ay si aad ah hoos ugu hoobteen 2016, arrintaas oo dhiirrigelisay in ay dadku u guuraan gobolka Queensland ee galbeedka Australia, iyagoo raadinaya shaqooyin leh mushaar fiican.

Queensland, oo kaliya ayaa bishan October, waxaa laga raadinayaa 942 shaqo  cusub oo dhanka warshadaha macdanta soo saara, kuwaas oo mushaarkooda sanadlaha ah uu u dhaxeeyo 100 ilaa 200 kun oo dolarka Mareykanka ah.

Golaha Warshadaha Australia ayaa ku qiyaasay celceliska mushaarka shaqaalaha dhanka warshadaha macdanta inuu yahay 140-kun oo dolar sanadkii, waana mushaar ka badan 71% dhexdhexaad mushaarka ay qaataan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya gudaha Australia oo lagu qiyaaso 82-kun oo dolar sanadkii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close