CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Calaamadaha Lagu Garto “Kansarka Caloosha”.. Talooyin Muhiim ah Sida Looga Dhowrsan Karo

Dr. Hesham Mahmoud El – Wakil oo ka tirsan Jaamacadda Ain Shams ee dalka Masar, ayaa sheegay in kansarka caloosha uu ka mid yahay cudurrada ay tahay in xilli hore la ogaado inta aan xaaladda bukaanku faraha ka bixin, marka xilli hore la ogaado daaweyntiisa ayaa sahlanaata, in daawadiisa laga dib dhaco waxey keenaysaa natiijooyin aan la mahdin.

Wareysi gaar ah oo Dr. siiyay wargeyska “Youm 7“, ayaa waxa uu kaga hadlay sababaha kansarka caloosha lagu qaado iney ka mid tahay raashin aan wanaagsaneyn ee la cuno, sida cunnooyinka fudud, inta badan qofka uu ku dhaco waxa uu ka sheegtaa yalaalugo, matag, matag uu dhiig la socdo, saxaro dhiig leh, miisaanka qofka oo aad u dhaca. waxa uu caddeeyay marka bukaanka lagu arko calaamadahan waxaa waajib ah dhakhtarta daaweynayaa uu fiiro gaar ah u lahaado calaasha, isagoo shaybaarka u diraya nooca burada kansarka ay tahay, iyadoo qalliinku uu yahay habka ugu habboon, inta badan qofka bukaanka ah qalliinka kadib waxa uu u baahdaa, daaweyn kaalmaati ah oo iskugu jirta mid kiimikeed iyo mid shucaac raajada ah.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in bukaanka laga daaweynayo ee cudurku uu dishooday ay u habboon tahay, daaweynta kiimikeed, isagoo caddeeyay in xilliyadii dambe ay soo baxeen waaddooyin horumarsan oo si wanaagsan loogu daaweyo kansarka.

Waxa uu tilmaamay in xaaladaha qaar bukaanka ay tahay in la siiyo daaweynta nooca “Palliative care“, waa marka xaaladda guud ee bukaanka aaney saamaxeyn in daaweynta kiimikeed lagu sameeyo.

Kansarka caloosha waxaa lagaga hortagaa, in khudaarta cusub ee aan raagin la cuno  iyo raashinka daboolka leh ee sida wanaagsan loo ilaaliyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close