arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maktabad Si Layaab Badan Uga Falcelisay Buug Laga Ammaahday oo Loosoo Celiyay 84-sano Kadib

Si lama filaan ah ayaa maktabad dalka Mareykanka ku taalla loogu soo celiyay buug laga ammaahday(tabalcaareystay) 84-sano ka hor si loosoo akhristo, dhacdo madadaalo lahayd oo dhalisay in laga cafiyo ganaax qiimihiisu yahay 3 dolar oo laga qaado dadka buug celinta la soo daaha.

Makatabadda “Shreve Memorial”  ee ku taalla gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa barteeda Facebook ku soo qortay: “Inuu soo dib dhaco ayaa ka wanaagsan inaanuu soo celin lahayn!, sax?.. akhriste ayaa buug uu ka qaatay faraceenna guud soo celiyay xalay, hooyadii ayaa qaadatay si ay u soo akhrisato sanadkii 1934, xilligaas oo uu 11-jir ahaa.”

Waxey intaa sii raaciyeen: “Arrintani waxey ka dhigan tahay inuu soo dib dhacay 84 sano oo kaliya!. buuggu waa Spoon River oo uu qoray Edgar Lee Masters.

Buuggan ayaa hab suugaaneed ku muujinayay sheekooyin ka warramaya dad ku dhintay magaalada Spoon River ee khiyaaliga ah, waxa uu ka hadlayaa noloshooda iyo geeridooda.

Haweynayda la yiraahdo IVY Woodard oo ah afhayeen u hadashay maktabadda ayaa tiri:  “Waxa uu hagaajinayay guriga hooyadii marka uu buuggan helay, waxa uu goostay inuu soo celiyo. waxa uu sheegay in hooyadii ay maktabadda ka tabalcaareysatay. ”

Afhayeenku waxey intaa sii raacisay:  “Marka ganaax la saaro, waxaa ku waajibeysa inuu bixiyo 3 doolar, waana kharashaadka ugu badan ee laga qaado qofka buug uu akhis u qaatay la soo dib dhaca.

Maandeeq FM

Related Articles

Close